Laba DARAN mid dooro: Madaxda Madasha oo u hadli la’ laba sababood oo is barkan dartood!

0

(Muqdisho) 28 Juun 2020 – Waxaa ku dhowaad tillaabo kasta oo la qaado ama wax kasta oo dhaca ka fal-celin jirtey ”Madasha Xisbiyada Qaran” oo ay ku midaysan yihiin qaar ka mid ah Madaxdii hore ee Somalia, gaar ahaan Sh. Shariif iyo Xasan Sheekh.

Ha yeeshee, shalay oo ay dhacday arrin culus oo ah ogolaanshiyaha metelaadda Gobolka Banaadir, weli wax war ah lagama hayo Madasha, dadkuna waxay is waydiinayaan sababta, yeelkeede, waxaa jirta arrin laba laako ah oo aanay dad badani ku baraarugsanayn, taasoo ka dhigan inay haysato laba daran mid dooro:

1 – Maadaama ay madaxda Mashadu inta badan taageeraan siyaasadaha ay wataan maamullada qaarkood, oo inta badan ka hor jeeda wax kasta oo ay samaynayso DF Somalia, haddii ay taageeraan go’aanka Baarlamanku metelaaddaa ku bixiyey (oo ay horay uga hor yimaadeen, eeg warqadda ay ku taageereen go’aankii Guddoonka Aqalka Sare), waxaa ka xumaanaya madaxda Puntland iyo Jubbaland oo arrintan diiddan, iyaguna – labada madaxwayne hore – iska dhaadhiciyeen inay olog siyaasadeed la yihiin.

2 – Haddii ay diidaan iyagoo caddaysanaya (horay waa u muujiyeen inay diideen, balse waxay u diideen qaab doqoni ma garato ah), waxaa ka hor imanaya shacabka Muqdisho oo ay qaarkood iyaga taageeraan, kuwaasoo fahmaya inay labadan nin diiddan yihiin inuu Gobolku metelaad helo, taasoo sida la ogyahay aan dhicin 8 sano oo ay xalka hayeen, midkoodna uu kala diray gole degaan oo la sameeyey xilligii Cabdullaahi Yuusuf.

Si kastaba, waxa ay dadka qaarkood qabaan, inay labadan qodob yihiin sababta ay u aamusan yihiin. Xitaa haddii ay hadlaanna waxay noqonaysaa mid soo daahday oo dheehii iyo kulkii ka dhacay.

Hadalsame Media