Inter Milan oo lasoo wareegtey laacib muhim ah & maalinta uu caafimaadka marayo oo la muddeeyey

0
Dortmund (Germania) 05/11/2019 - Champions League / Borussia Dortmund-Inter / foto Imago/Image Sport nella foto: esultanza gol Achraf Hakimi

(Milano) 27 Juun 2020 – In la arko laacibka Achraf Hakimi oo xiran funaanadda Inter Milan waa arrin ay maalmo uun inaga xigaan, waayo waxaa qura oo haray caafimaadka iyo saxiixa heshiiska.

Sida iminka soo baxaysa waxa ay Inter Milan laacibkan kula heshiisey 40m + 5m oo bareemiyo ah, isagoo dadaba daafaca uga dheeli doona muddo 5 sanadood ah oo uu midkiiba qaadanayo 5m oo euro, wuxuuna caafimaadka u iman doonaa Talaadada soo aaddan.

Laacibkan oo dhashay 1998-kii, ayay maanta arrintiisa iyo qaabka loo dhisayo heshiiskiisa xal ka gaareen Inter oo ”haa” ka haysatey laacibka isla bilowgii bishii Maajo ee tagtay iyo Real Madrid oo ku wada hadlay khadka la iska arko, sida uu sheegayo SkySport.

Waxaana lagu wadaa inuu laacibka soo galo xerada Inter 48-ka saacadood ee soo aaddan, isagoo deeto laacib Inter ah noqon doona 30-ka Juun, haddii ay wax kastaahi ku dhacaan sida qorshaha loo dhigay.

Hadalsame Media