Giriigga oo xukun la yaab leh ku ridey Sheekh Shariif (Ogoow sababta lagu haysto!)

0

(Komotini) 07 Nof 2019 – Nin wadaad ah oo ku nool gobolka galbeedka Giriigga ee Thrace ayaa lagu xukumay xabsi 80 maalmood ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu “dowladda gacan dhaafay” oo salaad Jimce dujiyey ama hoggaamiyey.

Ibrahim Sharif waa mufti laga doorty Komotini (Gümülcine) oo ka mid ah 3-da magaalo ee ugu waawayn gobolka Galbeedka Thrace ee Giriigga, halkaasoo ay ku nool yihiin dad asal Turkish ah oo gaaraya 150,000 oo qof.

Sheekh Shariif ayaa Arbacadii sheegay inay dowladdu xukunkiisa u cuskatay inuu ka qayb galay oo dujiyey Salaad Jimce ah Maarso 2016-kii oo la saaray maxkamadda Alexandroupoli (Dedeağaç).

Yeelkeede, waxaa la xooray 1991-kii, markaasoo ay Giriiggu bilaabeen inay iyagu magacaabaan wadaadada, waloow aysan taa raacin Muslimiinta Turkiga ah ee ku nool Komotini iyo Xanthi (Iskeçe).

Hadalsame Media