LAKALA TEG! Shiinaha oo iyadoo 5G maaro loogu la’yahay 6G u tallaabay! (Qorshaha)

0

(Beijing) 07 Nof 2019 – Beijing ayaa ku dhawaaqday inay hormarinayso tiknolojiyadda  6G technology iyadoo aysan duniduba wada qaadanin shabakadda G5 oo uu Maraykanku ku qaaday dagaal uusan weli ku guulaysan, iskaba daa 6G.

Wasaaradda Shiinaha ugu qaybsan Sayniska iyo Tiknolojiyadda ayaa laba kooxood u saartay inay dhisaan shabakadda 6G.

Guruubka 1-aad waxay isku xirayaan dhowr wasaaradood oo dowladda ah, halka ay kooxda kale isku xirayso ilaa 30 khabiir oo ka tirsan jaamacadaha dalkaasi, hay’ado waawayn iyo macaahid cilmi baariseed.

Wasiir Xigeenka wasaaradda Wang Xi oo ka hadlayay munaasabaddii “lagu bilaabayay” qorshahan ayaa sheegay in tiknolojiyadda 6G ay weli tahay mid “marxalad sahan” ku jirta, welina aanu dhabbeheedu kala caddayn.

Yeelkeede, Beijing waxaa ka go’an inay ku guulaysato hardankan si ay u qabsato tiknolojiyadda xarig la’aanta ah, iyadoo marxaladda 2-aad kusoo bandhigi doonta qorshe faahfaahsan oo horumarinta 6G ah mustaqbalka dhow.

Hadalsame Media