Qorshe lagu dhisayo Jidad, isbitaallo, garoomo, nalayn iwm oo 24 milyan oo doollar lagu bixinayo + Sawirro

0

(Muqdisho) 07 Nof 2019 – Dowladaha Soomaaliya iyo Norway ayaa maanta si wadajira u daahfuray wajiga labaad ee mashruuca xasilinta iyo adeegyada bulshada oo laga fulinayo dalka oo dhan.

Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya, Safiirka ku xigeenka dalka Norway ee Soomaaliya, ergayga gaarka ah ee dowlada Norway u qaabilsan geeska afrika iyo madaxa hey’adda NIS Foundation ayaa ka qeyb galay kulankan oo daahfur u ahaa wejiga labaad ee Mashruuca xasilinta iyo adeegyada guud ee bulsahada oo ay maalgelineyso dowlada Norway.

Mashruucan oo socon doonaa muddo Seddex sano ah waxaa ku bixi doonta lacag dhan 24 Milyan oo Doolar, iyadoo inta uu socdana diiradda lagu saari doono arimaha xasilinta, shaqo abuurka dhallinyarada, dib u dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka garoomada ciyaaraha, isbitaalada naleynta jidadka iyo taageeridda ganacsatada.

Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mashruucan uu xambaarsanyahay muhiimad weyn islamarkaana ay ka faaiideysan doonaa dhallinyaradda, Dadka Jilicsan, ganacsatada yar yar iyo bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan , wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in lagu guuleysto hadafka loogu talo galay mashruucan.

Madaxa hey’adda NIS Foundation ee Soomaaliya Qaasim Gaabow Ducaale ayaa dhankiisa xusay in lagu guuleystay Wejigii hore ee mashruucan oo lagu dhisay wadooyin, Isbitaalo, xarumo dowladeed iyo goobo kale, isla markaana hada ay xooga saari doonaan sidii loogu guuleysan lahaa mashruucan labaad oo faaiido badan u leh bulshada Soomaaliyeed.

Hadalsame Media