Kooxda Juventus oo doonaysa in dacwadda loo haysto loo wareejiyo Milan & Roma + Sababta

0

(Roma) 28 Jan 2023 – Weli waxaa jira faahfaahinno muhiim ah oo aan lagu xalin baaritaanka socda ee xisaabaadka maaliyadeed ee Juventus iyadoo kooxdu ay codsatay in wax kasta oo tijaabo ah laga wareejiyo Turin oo loo wareejiyo Milano ama Roma.

Subaxnimadii Isniintii ayaa la xaqiijiyey in dhegeysiga hordhaca ah ee Baarista Prisma ee Juventus dib loo dhigay illaa Maajo 10, 202.

Qarreenada u doodaya Bianconeri ee kiiskan ayaa horay usoo bandhigay codsi ay u direen xafiiska Xeer Ilaalinta Guud kaasoo ah in dhegeysiga loo wareejiyo magaalo kale.

Sida lagu sheegay Corriere dello Sport, kooxda sharciga ee Juve, ayaa waxay aaminsan yihiin inay jiraan sababo ay u dhaqaajiyaan kiiska.

Waxaa la sheegay in qaar ka mid ah eedaymaha ugu daran, sida xisaab been abuur ah iyo isdaba marin maaliyadeed lagu sameeyay dhaqaalaha kooxda, waxayse Juve doonaysaa in dacwadda loo wareejiyo Milano oo uu ku yaalla Suuqa Saamiyada ee ay kooxdani ka diiwaan gashan tahay.

Ujeedada ka dambaysa u wareejinta baarista ee Roma iyana waa in Caasimaddu hooy u tahay xarunta xogta ee Suuqa Saamiyada Milano ama data centre-ka.

Hadalsame Media