Juventus oo kaddib Serie A halis ka wajahaysa FIFA & UEFA (Ganaaxyo culus oo la saari karo)

0

(Roma) 22 Jan 2023 – Xiriirka Talyaaniga ayaa 15-dhibcood ka jaray kooxda Juventus iyadoo sidoo kale la ganaaxey maamulkeedii hore, kaddib markii la sheegay inay si qarsoodi ah u bixinaysey mushaarka ciyaartooyda intii lagu jirey marxaladihii hore ee cudurka COVID-19, islamarkaana ay toostoosisey faa’iidada raasumaaliga ah ee ay heshay, waloow ay rafcaan ka qaadatay go’aankan.

Waxaa se haatan jirta khatar kale oo ah in dhacdooyinka Talyaaniga ka haysta Juventus ay cawaaqib xun ku yeelan doonaan xitaa aayeheeda Champions League, koobabka kale ee Yurub iyo xitaa kuwa FIFA, sida uu qorayo Gazetta Dello Sport.

Kiiska Juve weli kama bilaaban xarumaha UEFA, balse Nyon waxay sugaysey go’aanka Xiriirka Kubadda Talyaaniga ee FIGC oo haatan 15-dhibcood ka gooyey Juve oo horay UEFA ugula jirtey xeer-jajab ku aaddan nidaamka dhaqaale wanaagga FFP, balse maadaama ay hadda ku caddaatay xisaab khaldan wax kasta waa in dib loogu noqdaa.

Waxay koox kastaa koobabkan Yurub u qalantaa kaddib markii ay hesho “shatiga UEFA”, laakiin haddii ay shatigaa heshay iyadoo is dhaafisay macluumaad ama xog ay ahayd in lasoo bandhigo ama ay wax been abuurtay, sida wax ka beddelka miisaaniyadda, UEFA way soo faragelin kartaa oo waxay adeegsan kartaa ganaaxyo adag.

Waxaa taa Juventus u dheer in aanu wanaagsanayn xiriirka kala dhexeeya UEFA kaddib markii ay iyada iyo labada kooxood ee Real iyo Barcelona ay kusii madax adaygeen abuurista tartanka Euroean Super League kaas oo go’aan lagasoo saari doono bisha Maarso ee 2023-ka.

Liiska cunaqabatayntu waa mid dheer. Waa wax ku cad xeerarka dhaqaale wanaagga loo yaqaan Financial Fair Play oo dhigaya: min ganaax ilaa in kooxda koobabka EUFA laga saaro.

Yeelkeede, ma jiro wax go’aan ah oo iman doona kahor xilli-ciyaareedka soo socda ee 2023-24, waase haddii Juve ay u soo baxdo koobabka Yurub dhamaadka xilli-ciyaareed ay dhibaato aad u badan wajahayso.

Hadalsame Media