Thomas Tuchel oo tababarkiisii 1-aadba laad ku bilaabay ciyaartooyda (Daawo)

0

(Munchen) 28 Jan 2023 – Macallinka cusub ee Bayern Munich ee Thomas Tuchel ayaa la arkayey isagoo laad yar ku dhufanaya garabka Leroy Sane intii lagu jirey tababarkiisii ugu horreeyey.

Tuchel ayaa xilkan loo magacaabay Jimcihii kaddib markii kooxda haysata horyaalka Jarmanka ay qaadatay go’aan naxdin leh oo ay ku cayrisey Julian Nagelsmann.

Macallinkii hore ee Chelsea, PSG iyo Borussia Dortmund ayaa kooxdiisa cusub tababarkii ugu horreeyey ku siiyey xerada Sabener Strasse Talaadadan.

15-kiii daqiiqadood ee furitaanka tababarkan ayaa u furnaa warbaahinta, iyadoo Sane uu darbo dhiirrigelin ah ka helay madaxiisa cusub.

Tuche ayaa markii hore la arkayey isagoo garab weerarkan darbo yar oo qiyaasan u dhiibaya, jeer kooxdu ay rucle ku ag maraysey markii la baray tababarahooda cusub.

Hadalsame Media