”Wuu iska qayliyaa misna waxba ma sheego” – van Basten oo weerar xun ku qaaday van Dijk

0

(Hague) 28 Jan 2023 – Halyeeyga Holland ee Marco van Basten ayaa ka jeexjeexay daafaca Liverpool ee Virgil van Dijk kaddib markii uu ‘qalalaase ku abuuray’ xulka kulankii ay iyaga 4-0 ku xasuuqeen France isaga oo sidoo kale su’aal geliyey awoodiisa hoggaamineed.

Kabtanka reer Holland ayaa ciyaaray kulan uu sameeyey bandhig aad u liita waloow uu yahay wadnaha daafaca intii lagu guda jirey kulankiisii ugu horreeyey Ronald Koeman ee uu kooxda dib ugu soo noqdo iyadoo Les Bleus ay baalasha kaga tifeen isreebreebka Euro 2024 Jimcihii.

Waxa uu si fiican u ciyaaray kulankoodii xigey ee ay la ciyaareen dalka yar ee Gibraltar oo ay 3-0 kaga badiyeen Isniintii, laakiin kama uusan baxsanin carada halyeeygii Van Basten.

“Wuxuu sameeyaa buuq, laakiin misna waxba ma sheego,” ayuu Van Basten u sheegay  Ziggo Sport, isagoo sii maraya VI.

“Ma cadda warkiisu. Kabtanka wanaagsani kor buu u hadlaa, wuuna caddeeyaa waxa socda. Intaas ayuu isagu u dhexeeyaa. Wuxuu abuuraa qalaalqal. Taasi waxay keentaa ismaandhaaf. Taasina waa waxa adiga, ka kabtan ahaan, ay tahay inaad ka hortagto” ayuu raaciyey.

”Wuu qayliyaa, laakiin waxba ma sheego. Taasi waa run.” ayuu ku qayliyey 9-kii yaabka lahaa ee Marco van Basten.

Hadalsame Media