Messi oo loo dhisay taallo la ag dhigay halyeeyo culus & Taageerayaasha oo ku camirtay Ronaldo

0

(Asunción) 28 Jan 2023 – Lionel Messi ayaa lagu sharfay taallo dhinac taalla halyeeyadii hore ee Pele iyo Diego Maradona – laakiin waa taallo wax yar ka wayn cabbirka rasmiga ah ee Messi!

Messi, oo dhamaystiray koobabkii uu qaadi lahaa markii uu Argentina kula guulaystey KA bishii Diseembar, wuxuuna dherer la’eg yahay 5cagood iyo 7inji – wuxuuna u muuqdaa mid woxoogaa ka yar cabbirkiisa.

Messi ayaa u muuqdey mid qiiraysan markii uu daaha ka rogayey taalladan uu isagu leeyahay, taasoo la dhigi doono madxafka CONMEBOL ee dalka Paraguay.

Taageerayaasha ayaa waxa ay si deg deg ah ugu dhawaaqeen in Messi uu ku guulaystey ‘dagaalkii taallada’ ee uu la galay Cristiano Ronaldo oo ay muddo dheer xafiiltamayeen.

Taallada Ronaldo – oo lagusoo bandhigay bannaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada uu ka soo jeedo ee Funchal ee Madeira, ayaa lagu maadsadey kaddib markii la soo bandhigay sannadkii 2017-kii.

Hadalsame Media