God wayn oo qorraxda lagu arkay oo dhulka usoo tuuraya Dabayl-Qorraxeed kusoo beegan Jimcaha (Daawo)

0

(Hadalsame) 28 Jan 2023 – God wayn ayaa kasoo muuqday qorraxda dusheeda, waxayna dhulka u diri kartaa dabaylo qorraxdeed ku socda 1.8 milyan oo mitir saacaddii Jimcaha soo socda.

Waxay daba socotey helitaanka god qorraxeed ama coronal hole 30 jeer ka wayn dhulka, waxaana dhexgeli kara qiyaastii 18 ilaa 20 koowkab oo Dhulkeenna ah.

Godad-qorraxeedyadu waxay caan ku yihiin inay hawada sare kusii daayaan dabayl-qorrexeed xawaare badan, taas oo dhaawici karta dayax-gacmeedyada islamarkaana dhulka ka muujin karta ifafaalaha ilayska woqooyi ee loo yaqaan Aurora Borealis oo ah marka uu dhulku iska difaacayo fallaaraha halista ah ee kasoo duulaya qorraxda.

Yeelkeede, saynisyahannadu kama walaacsana in dabayl qorraxeedkani uu wax u dhimi karo kaabayaasha sida korontada iyo isgaarsiinta.

Godadka kasoo muuqda qorraxda waa wax caadi ah, laakiin badanaa waxay ka muuqdaan cirifyada qorraxda, halkaas oo dabayshahooda ay ku tuuraan hawada sare ilaa dhulka.

Marka ay qorraxdu ay gaarto heerka ugu sarreeysa ee howleed ayay tani dhacdaa waana mid dhacda 11-kii sanadoodba mar, iyadoo godadka sidoo kale laga arko dhul-baraha qorraxda, sida uu sheegay Mathew Owens, oo ah professor yaqaan Fiisigiska Hawada Sare oo ka tirsan University of Reading.

Hadalsame Media