Macluumaad muhim ah oo ku saabsan dalka Masar & Labada jeer ee ay qaraabo la noqdeen Nabi Muxamed NNKH

0

(Hadalsame) 28 Maarso 2023 – Macluumaad ku saabsan Dalka Masar?

Dalka Masar waxa loogu magac daray Masraayim ibnu Xaam binu Nuux (CS). Sidaas darteed, Masaarida iyo Afrikada madoobi waa walaalo oo waxa wada dhalay Xaam binu Nuux (CS).

Masar waxa ka dhisantay boqortooyadii ugu horreysay dunida 5000 (Ciise hortiis). Waxa la dhisay Ahraamta 3500-3000 (Ciise hortiis).

Tirada dadka dalka Masar waa 100 milyan, waana dalka 15aad ee dunida ugu dadka badan. Tiradaas rubeceed (25 milyan) waxa ay deggan yihiin caasimadda Qaahira. Dalka Masar bedkiisu waa 1 milyan k2, waxana dhulka intaas la’eg degaan iyo beerasho ku habboon in ka yar 80,000 km2 (8%) oo ah daanta webiga Niil. Nolosha Masaaridu 80% waxa ay ku tiirsan tahay webiga Niil.

Faraaciintii Masar xukumaysay waxa ay ka koobnayd 22 qoys oo soo jiitamayay 1540-730 (Ciise hortiis). Faraaciintaas waxa la xaqiijiyay asal ahaan in aanay Masaari ma ahayn, balse ay ahaayeen boqorro kasoo kala jeeda Shaam (Falastiin iyo Suuriya), Iiraan iyo Turkiga.

Dalkaas faca weyn ee Masar oo ay dad Masaari ahi xukumaan waxa taariikhda ugu horreysay kacaankii lagu afgembiyay boqor Fu’aadkii koowaad 1952kii, kacaankaas oo ay hoggaaminayeen Ganaraal Maxamed Najiib iyo Kornayl Jamaal Cabdinaasir.

Masaaridu waxa ay Nabi Muxammad (SCW) qaraabo la noqdeen laba jeer. Mar Nabi Ismaaciil (CS) oo uu Nabi Muxammad (SCW) ku abtirsado hooyadiis Haajar waxa ayaa ahayd Masaari. Mar labaadna wiilkii Nabi Muxammad (SCW) ee Ibraahiim ahaa hooyadiis Maariya Al-Qibdhiya (RC) waxa ay ahayd Masaari.

Caasimadda dalka Masar ee Qaahira waxa ay kamid ahayd shantii magaalo ee caasimadaha usoo noqday Khilaafadii Islaamka ee jirtay muddadii u dhaxaysay 632-1924 (1,292 sano). Caasimadahaasi sida ay u kala horreeyeen waxa ay ahayd sidatan: Madiina (632-661), Dimashiq (661-750), Baghdaad (762-972), Qaahira (972-1517), iyo Istanbuul (1517-1924).

Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi AUN waxa uu ahaa madaxweynaha keliya ee soo maray taariikhda dalka Masar oo si dimoqraadi ah uu shacabkiisu usoo doortay, xoog inta kursiga looga tuuray, baana weliba xabsiga lagu dhex sumeeyay, maxkamadda dhexdeeda ayuuna ku dhintay.

W; D: Sabriye Musse
moqokori@gmail.com

Hadalsame Media