Juventus oo heshay dokumenti sir ah & Mid kale oo ay ka war heshay (Rajo wayn oo ay ka qabto in dhibcihii loosoo celiyo)

0

(Torino) 14 Maarso 2023 –  Golaha Gobolka ayaa diidey racfaan ka yimid Xiriirka FIGC oo lagu khasbay inay Juventus u dhiibaan dokumenti sir ah oo ay isku difaaci karto, laakiin kooxda Juve ayaa u baahan dokumenti kale oo ay u baahan yihiin.

Agaasimeyaashii hore ee Bianconeri ee Fabio Paratici iyo Federico Cherubini ayaa ku guulaystey rafcaan ay gaysteen Maxkamadda Gobolka Lazio (TAR) si ay u helaan ‘dokumentiga sirta ah’ ee la soo sheegay, si kastaba ha ahaatee dacwad oogaha Xiriirka FIGC ayaa daqiiqaddii ugu dambeeyey racfaan u gudbiyey Golaha Gobolka si uu u baabi’iyo xukunkan.

Tuttosport ayaa ka warbixinaya in Golaha Gobolku uu ku adkaystey xukunkii rafcaanka oo uu amray in Xafiiska Dacwad Oogaha FIGC uu Juventus u gacan geliyo dokumentiga oo loo yaqaan ‘Note 10940’ kaasoo la siinayo qarreennada difaaca ee Juventus.

HAL CILLAD AYAA JIRTA – Dokumentigan ayaan muhiimad gaar ah u lahayn difaaca Bianconeri maadaama ay doonayaan inay racfaan ka qaataan dhibcaha laga jaray, si kastaba ha ahaatee waxaa jira dokumenti kale oo lagu magacaabo Covisoc ah kaasoo ku taariikhaysan Maarso 31, 2021-kii, oo laba toddobaad ka wayn ‘Note 10940’.

Naadiga Juve waxay hadda raadinayaan inay helaan dokumentigan cusub iyaga oo doonaya inay Guddiga Olombikada ee CONI u caddeeyaan in baarista lagu eedeeyey ee faa’iidada raasumaalka la cayiliyey ah (plusvalenza) uu bilaabmay waqti aad uga horreeyey markii uu sida rasmiga ah u sheegay xafiiska xeer ilaalinta guud.

Haddii ay awoodaan inay caddeeyaan arrintan, shaki kuma jiro, in 15-ka dhibcood ee laga jaray bishii Janaayo ay ku dhici doonaan waqti ka baxsan xayndaabka loo oggol yahay baaritaanka, waxayna taasi siin doontaa fursad wanaagsan oo ah in ciqaabta la rafaco oo dib loogu soo celiyo dhibcohoodii, sida ay qorayso warbaahinta Talyaanigu.

Hadalsame Media