”Annaga ayay na dhegeystaan!” – Yaa Somalia ka caawiyey in si sahlan looga qaado cunaqabataynta hubka & Su’aal ka taagan ujeedka

0

(New York) 03 Dis 2023 – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa shalay oo Jimce ahayd si aqlabiyad ah ugu codeeyey in meesha laga saaro xayiraaddii ugu dambaysey ee hubka la siiyo Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka, in ka badan 30 sano kaddib markii cunaqabataynta hubka lagu soo rogay dalka.

Haddaba, waxaa jira dalal ay u badan tahay inay Somalia siiyaan hub culus kaddib qaadista cunaqabatayntii dalka saarnayd tan iyo 1992-kii. Waxay tani keenaysaa inay Somalia heli karto hub culus oo ay ku qalabayso ciidankeeda. Aqri dalalka siin kara….

Waxaa haddaba dad badani la yaabban yihiin sida ay Somalia ku heshay garabka siyaasadeed ee keenay in qaraarka lagu qaaday cunaqabataynta uu dusha u rito (motion sponsor) dalka Ingiriiska oo ah dal horay dhibaatooyin badan oo istaraatiji ah ugu abuuray guud ahaan Soomaalida iyo Somalia intaba.

Taa qoraal kale ayaannu ku qaadaa dhigi doonnaa insha Alle, balse waxaa sidoo kale dadka hadalkooda laga dhadhansan karo inay qorshahan Somalia ku taageereen waxaa ka mid ah dalalka EAC.

Peter Mathuki, Xogahaya Guud ee EAC ayaa horraantii sanadkan si cad u sheegay in haddii ay Somalia ku biirto ururka ay ka caawin karaan arrimo badan oo ay ku jiraan danaha amni ee ay dunida ka leedahay, taasoo uu sheegay inaysan suurtagal ahayn xilligaas oo aysan Somalia ka mid ahayn ururka.

”Hadda xubin kama aha EAC marka sharciyad uma haysanno inaan la xaalno ammaankooda,” ayuu ku dooday Peter Mathuki, Xogahaya Guud ee EAC.

”Balse (haddii ay ku biiraan” aan u tagno Golaha Ammaanka oo aan tas-hiilaad waydiisanno annaga waa na dhegeysanayaan.” ayuu raaciyey Mathuki, taasoo laga qaadan karo in sababta haatan Somalia u sahashey in laga rafaco cunaqabatayntii hubka wax laga saari karo ku biiristii Somalia ee ururka EAC 24-kii bishii tagtay ee Nofeembar.

Qarsoodi ma ahayn inay cunaqabatayntani ahayd taako istaraatiji ah oo loo dhigayey Somalia si loo ilaaliyo dalalka deriska ah sida Kenya iyo Itoobiya oo ay tan iyo dhalashadii Somalia-da casriga ah ay dalalkan qoorta iskugu jireen.

Su’aasha milyanka Doollar ahise waxay tahay maxaa looga bedeshey? Maxaase keenay in sidan sahlan loo aamino Somalia oo aanu wadcigeeda ammaan wax badan iska bedelin weli? Waqtiga ayaa ka jawaabi doona, wax baase isu muuq muuqda.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media