Magacyada dalalka ugu horreeya ee hub culus siin kara Somalia millateri & Booliis (Noocyada hubka?)

0

(New York) 02 Dis 2023 – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa shalay oo Jimce ahayd si aqlabiyad ah ugu codeeyey in meesha laga saaro xayiraaddii ugu dambaysey ee hubka la siiyo Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka, in ka badan 30 sano kaddib markii cunaqabataynta hubka lagu soo rogay dalka.

Haddaba, waxaa jira dalal ay u badan tahay inay Somalia siiyaan hub culus kaddib qaadista cunaqabatayntii dalka saarnayd tan iyo 1992-kii.

Waxaa dalalkaa ugu horreeya Turkiga oo horay u ahaa dalka 1-aad ee qalabeeya CXD Somalia, sidoo kale dalalka Ruushka, Shiinaha oo dhowr kulan oo lala yeeshay shuruud ka dhigay in la rafaco cunaqabataynta iyo Imaaraadka ayaa ballanqaadyo u sameeyey Somalia.

Dhanka Galbeedka, sida aan xogta ku hayno dalka UK oo isagu riixayey qaraarkan lagu qaaday cunaqabataynta, Maraykanka iyo Talyaaniga oo ahaa dalka Galbeed ah ee hubka iyo taageerada ugu badan siin jirey Somalia  ayaa ugu horreeya dhanka qalabaynta CXD.

Jarmanka iyo Japan ayaa isna gacan wayn siin kara Booliiska Somalia oo ay weliba Berlin ahayd dalka agabka ugu badan siin jirey.

Waxaa se sidoo kale loo baahan yahay dib u dhiska kaabayaashii ciidanka, dishibiliinka ciidanka, kala sarraynta iyadoo la hakinayo darajooyinka la iska qaybinayo ama nin tooxsiga ku dhisan, in la muujiyo in la hanan karo hub culus iyo kaydintiisa taasoo ay QM walaac ka muujisay IWM.

Somalia ayaa heli doonta diyaarado xamuul ah, miigag fudud, daroono, tawaangi, beebbayaal, madaafiicda culus ee goobta, gantaalaha riddada dhow iyo kuwa dhexe, iyo gaadiidka gaashaaman ee unugaha qaada + tikniko kale.

Waxaa kale oo muhim ah in mustaqbalka dhow Somalia ay yeelato istaraatijiyad is wadi karta (sustainable) oo looga maarmo in kaalmo uun lagu tiirsanaado.

Hadalsame Media