Koobka Somalia Supper Cup oo markii ugu horreeysey lagu qabanayo meel aan Muqdisho ahayn (Waa magaaladee?)

0

(Muqdisho) 03 Dis 2023 – Koobka Supper Cup-ka Soomaaliya dufcaddiisa sanadkan ayaa ka dhacaya meel aan ahayn Muqdisho, waana markii ugu horreeysey ee ay taariikhda taasi dhacdo.

Waxay ka mid tahay isbadallo uu sameeyey xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta sanadkan iyadoo cayaarta Supper Cup oo ah cayaarta ay ku kulmaan kooxaha kala haysta Horyaalka iyo Koobka Jeneraal Daa’uud, lagu qabanayo meel ka baxsan magaalada Muqdisho markii ugu horreeysey taariikhda kubbadda Cagta dalka.

Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta, Cali Cabdi Maxamed, ayaa ku dhawaaqay in sanadkan ciyaartan lagu qabanayo magaalada Baydhabo, taasoo qayb ka ah qorshe uu ku sheegay inuu ku dadaalayo ina kubbadda Cagta dalka oo dhan la wada gaarsiiyo.

”Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii tababarka FIFA MA ee loo qabto garsoorayaasha da’da yar markii ugu horreeysey loo qabtay garsoorayaal goballada dalka laga kala keeenay taasoo aan waligeed horay u dhicin,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xiriirka SFF.

Ciyaarta Supper Cup ee sanadkan waxaa ku loollamaya naadiyada kala ah Gaadiidka iyo Dekedda oo kusoo kala guulastay Horyaalka iyo koobka General Daa’uud.

Ciyaarta ayaa loo asteeyey inay sanadkan ka dhici doonta garoonka Dr Ayuub ee magaalada Baydhabo.

May be an image of text

Hadalsame Media