Itoobiya oo si rasmi ah loogusoo jeediyey istaraatijiyad sahlan oo ay ku isticmaali karto dekedaha Somalia (Maxaa socda?)

0

(Hadalsame) 03 Dis 2023 – Dalka Soomaaliya ayaa 24-kii bishan si rasmi ah uga mid noqotey Ururka Bulshada Bariga Afrika, iyada oo hadda laga bilaabo oo fududaanayo isku-socodka, isdhexgalka iyo ganacsiga Bariga Afrika.

Soomaaliya waxay ku biirtay dalalkii horay ugasii tirsanaa EAC; Burundi, DR Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo Tanzania.

Yeelkeede, waxaa jirta inaysan bulshada Somalia aanay weli haynin xogo badan oo ku saabsan sida lagu dhaliyey inay Somalia ku biirto ururkan EAC, waxyaabaha ay ka helayso, waxa ay hurayso iyo waxa loogu xishay waloow aad loogu celceliyey dhererka xeebaha Somalia oo ah arrin kicinaysa abiteetka dalalka ku jira ururkan oo aan ama bad lahayn ama xeeb dheer oo ku filan lahayn.

Waxaase jirta qorshe rasmi ah oo aan la hubin inay Somalia ka fikirtey waloow uusan xumayn haddii loo maareeyo si u danaynaysa Somalia waana kiiska Itoobiya iyo EAC ee madlan.

Sida uu 1-dii Abriil ee sanadkan qiray Peter Mathuki, Xogahaya Guud ee EAC waxay ku tala jiraan qorshe ah in marka hore ururka lagusoo daro Somalia, kaddibna lagusoo daro Itoobiya, isagoo sheegay in ujeedku yahay in la qaado xadadka u dhexeeya dalalka ku jira EAC iyo Afrikaba.

”Haddii aan Itoobiya helno waxaan noqonaynaa suuq haysta 500m oo macaamiil ah.” ayuu ku dooday Mathuki.

Itoobiya oo beryahan la bareertay inay bad u baahan tahay ayay tani u noqon kartaa inay si sahlan ku helaan xeebaha Somalia ee ay hoggaan xumida, maangaabnimada iyo qabyaaladdu baylihiyeen maadaama ay Somalia durba ku biirtay EAC, mana xuma haddii ay Somalia khidmad ka qaadanayso iyadoo maamulkeeda u madaxbannaan, balse waxaa daran in lagu maro federayshinkii 50meeyadii lagu khiyaanay Eritrea ee markii dambe la baabi’iyey.

Si kastaba, waloow aysan Somalia oo haatanba ah dal si kasta ficii uga haray, aysan gaar wax ugu dhimaynin haddii la keeno xal lagu wada guulaysanayo, misna waxaa loo baahan yahay inaan lagu deg degin go’aammada qaar islamarkaana aan qolal mugdi wax hadhow laga shallaayo aan lagu saxiixine si hufan shacabka loogu sheego faa’iido iyo khasaare wixii ku jira Jamciyadda Bariga Afrika.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media