3 arrimood oo ay tahay inaysan DF Somalia marna ka AQBALIN Maamul-goboleedyada (Halista soo socota haddii aan la yeelin?)

0

(Hadalsame) 13 Jan 2023 – Maamul-goboleedka Puntland ayaa 9-kii bishan soo saaray war-murtiyeed ay ku sheegtay inay hadda kaddib u dhaqmi doonto sidii “dowlad gaar ah” oo ka madaxbannaan Dowladda Federaalka ah ee Somalia, taasoo ay sheegeen inuu u saamaxayo Dastuurkoodu. Halkan ka aqri bayaanka….

Marka laga soo tago tabashooyinka siyaasadeed ee uusoo jeediyey Maamulka Puntland oo ah wax laga wada hadli karo sax iyo khaladba, midda dad badan oo ay xitaa ku jiraan qaar badan oo reer Puntland ah waa inuu Maamul dastuurkaba ku qorto maqaam sheegaya inuu go’i karo markii uu doono, welibana uu hal qofi iskaga dhawaaqi karo inta bayaan dhowr baal ah soo xarriiqo.

Taasi wax dunida oo ay ka jiraan ilaa 25 dal oo federaal ka shaqeeya ma aha, xitaa dalalka Confederal-ka, oo ah nidaam ay gobolladu leeyihiin awoodo kale oo dheeraad ah, ku shaqeeya oo 2 dal ayaan sidaa teeli karin.

Haatan, waa in Maamul-goboleedyada laga diidaa 3 arrimood oo haddii aan wax laga qaban aanu dalku marna istaagaynin, sidoo kalena halis ku ah isla federaalka oo u muuqda mid loo fahmey inay gobolladu dalal isu yimid yihiin, taasoo lagu socodsiiyo kelmadda faasidka ah ee ”dowladaha xubnaha ka ah DF” oo ah naxli ay reer Galbeedka iyo dalalka derisku bacrimiyaan oo cayiliyaan si loo wiiqo soo kabashada dalka iyo inuu siyaasad ahaan dhan isu raaco.

Waa kuwan 3-da arrimood oo ay tahay in la diido:

1 – Waa in aan marna la aqbalin in Maamul-goboleedku noqdo wax u eg NGO qof kaliya jeebka ugu jira oo loo adeegsado wixii uu qofkaasi doonayo si xil DF ama dano kale sida dhaqaale samayn, fursad u samayn qoyska qofka markaa xilka haya IWM. Taasi waxay kasoo horjeeddaa ujeedadii asaasiga ahayd ee loo dhisay Maamullada si awoodaha qaar shacabka loogu dhoweeyo, balse ma ahayn in qof kaliya awood la siiyo ama ay gobolladu hoos galaan nidaam kali-talis ah.

2 – Waa inaysan dastuuriyan marna dhicin aragtida ah in gobol uu qof kaligii gooyn karo, ama uu u samayn karo maqaamkii uu maankiisa ka helo, isagoo daliishanaya dastuur gobol, waayo ma jiro dastuur gobol ama qof siin kara xuquuq noocaas ah.

3 – Waa in la diidaa in Maamul qorto dastuur ka horjeeda kan DF oo ah midka Jamhuuriyadda, sidoo kale, wax dhici kara ma aha in dastuurka Maamulka lagu qoro wax kasoo horjeeda midnimada gayi iyo xornimada dalka Somalia, sida inuu maamul heshiis la galo, xiriir la sameeyo amaba dalka soo geliyo dal kale, isagoo aan rukhsad ka haysan DF Somalia oo howshaa iyadu leh.

Haddii aan qaabkan loo shuruudaynin dhaqdhaqaaqa Maamullada oo aan qof kasta awooddiisa lagu ixtiraamin, federaal daaye Somalia dambe lama sii maqli doono, haddii Somalia oo dal ahaan isu haysata la waayana yuusan qofna ku riyoonin in lagu sii noolaan doono dhubuq dhubuqdii aan kusoo moodney 33-kii sano ee ugu dambeeyey, waayo nidaamka adduunku wuu sii dhacayaa oo haatan waxaa caadi sii noqonaysa in mar kale ay dalalku is qabsadaan oo gobollo la iska goosto, sida Ukraine ku dhacday.

Weliba Somalia ciddii soo weerarta hadda kaddib cid ka celin doontaa ma jirto iyaduna iskama celin doonto oo xitaa shucuurtii wadaniyadeed iyo qiyamkii umaddaba waa la diley. Waxaa kale oo dheer inay dunidu nagu daashey oo jid iyo jiho nakala waayey. Allaahuma hal ballaghtu.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media