DEG DEG: Maamulka Puntland oo sheegay inuu u dhaqmi doono sidii “dal madaxbannaan” + Sabab ay sheegeen & Shuruud cusub

0

(Garoowe) 09 Jan 2023 – Maamul-goboleedka Puntland ayaa soo saartmay war-murtiyeed ay ku sheegtay inay hadda kaddib tahay “dowlad gaar ah” oo ka madaxbannaan Dowladda Federaalka ah ee Somalia.

Bayaan dheer oo kasoo baxay Madaxtooyada Garoowe ayaa lagu sheegay in Puntland ay waqti badan gelisey dowlad dhisidda Somalia, balse lagu guuldarraystay waxyaabo badan oo wadar ogol ay ku sheegeen oo qodobaysan.

Waxay ku dareen inaan bixitaankoodu ahayn mid kama dambayn ah balse inta laga fulinayo shuruudaha Puntland ee ku aaddan maslaxaddeeda ay u dhaqmi doonto sidii dal madaxbannaan taasoo uu siinayo dastuurkii la qoray xilligii Faroole oo kasoo horjeeda mabaadii’dii Maamulka lagu dhisay waayihii Cabdullaahi Yuusuf (AUN) 1998-kii.

Lama oga waxa ay DF Somalia iyo shacabka Puntland oo aan qaar badani tillaabadan ka raalli ahayn, balse Maamulka Puntland ayaysan marna dhicin isaga oo ogol nidaamka DF Somalia oo ay badiyaa isku qabsadaan ku dhowaad wax kasta.

Sidoo kale, dadka ayaa durba ka fal-celiyey tillaabadan iyagoo soo qaadanaya in Somaliland oo 32 sano goosad doonaysey aan weli la aqoonsan.

Hadalsame Media