”Messi waa jiirka bullaacadaha & Cillan haarmoon lagu koriyey!” – Maamulka Barca oo ceeb dhexda ka taagan

0

(Barcelona) 12 Jan 2022 – Sida lagu xarriiqay wargayska Catalan-ka ah ee El Periodico, booliisku waxa ay heleen iimayl (e-mail) uu soo diray howlwadeen sare oo ka tirsan Barcelona ah bishii Maarso 2020 kaas oo uu kusoo jeedinayo in kooxdu ay dusiso faahfaahinta qandaraaska ee Lionel Messi.

El Periodico sidoo kale waxa ay soo warisey in farriimaha telefoonnada gaarka ah laga helay wada sheekeysi kooxeed ay ku lug lahaayeen qaar ka mid ah agaasimayaasha kooxda iyo madaxda sare kuwaaso Messi ku tilmaamaya ‘jiir bullaacadeed’ iyo ‘cillan hormoon lagu koriyey’.

Waxa uu ahaa wargayska Isbaanishka ah ee El Mundo kii daabacay tafaasiisha buuxda ee ku saabsan qandaraaska Messi bishii Janaayo 2021-kii booliiskuna waxay haatan baarayaan haddii farriimahan iminka la helay ee email-ka ninku soo diray iyo dadka loo diray ay jebiyeen sharciyada khusuusiyadda ama gaarnimada qandaraasyada.

Sida laga soo xigtey El Periodico, Roman Gomez Ponti ayaa ah ninka qoray iimaylka markii uu ahaa la-taliyaha sare ee xagga sharciga kooxda.

Madaxweyne Josep Bartomeu iyo madaxii hore ee fulinta Oscar Grau ayaana loo diray.

Hadalsame Media