Booliiska Nigeria oo qabtay 17-jir uureeyey 10 haween ah (Maxaa lagu samaynayey marka ay ilmuhu dhashaan?)

0

(Hadalsame) 13 Jan 2023 – Howlwadeennada Taliska Booliiska ee Rivers ee dalka Nigeria, ayaa soo qabtay wiil 17-jir ah oo magaciisa lagu sheegay Noble Uzuchi, oo uu weheliyo saaxiibkiis caawinayey, Chigozie Ogbonna, 29-jir, iyadoo loo haysto inuu uureeyey 10 haween ah qorshe qayb ka ahaa qaab lagu diyaarinayey carruur badan.

Marka laga reebo Uzuchi, iyo Ogbonna, booliisku waxay sidoo kale qabteen laba haween ah oo kale, kuwaasoo la kala yiraahdo Favour Bright, 30-jir; iyo Peace Alikoi, 40-jir.

Sida laga soo xigtey sarkaal ka tirsan qaybta Xiriirka Dadwaynaha ee Booliiska Rivers (PPRO), Grace Iringe-Koko, oo daaha ka qaaday xiritaanka, afarta tuhmane waxay ka howlgalayeen dowladda hoose ee Obio/Akpor iyo Ikwerre.

Waxay xustay in tuhmanayaasha lasoo xiray kaddib markii ay booliisku xog hoose oo far-muuq ah heleen, Iringe-Koko ayaa sidoo kale sheegtay in 10-ka haweenka ee uurka leh la soo badbaadiyey, iyagoo sheegtay duruufo maaliyadeed.

Iringe-Koko, oo ah Kormeere Xigeenka Booliska, ayaa sheegtay in baaritaanno ay sameeyeen ay ku ogaadeen in markii ay haweenay kasta  cunugga dhasho middiiba la siinayey N500,000 oo Naira, iyadoo deeto ilmaha lasii iibinayo.

Kiiskan oo lagu magacaabo Iringe-Koko, ayaa waxay xustay in loo gudbiyey Waaxda Dembi-baarista ee Dowladda (SCID) si ay baaritaanno ugu sameeyaan, waxaana la karraariyey dadaallada lagu raadinayo, laguna soo qabqabanayo dadka iibsadey carruurta horay loo iibiyey.

Hadalsame Media