”Ninkani waa haddiyadda kubbadda cagta” – Taageerayaasha oo hadal haya farsamo uu sameeyey Messi (Daawo)

0

(Paris) 13 Jan 2022 – Lionel Messi ayaa markale ka yaabiyey jamaahiirta kubbada cagta kaddib markii uu ku guulaystey inuu kubbada ku haysto diilinta ganaaxa dhexdeeda kulankii Angers isagoo ay meel ciriiri ah ku raacayeen 2 laacib.

Kabtanka Argentina ayas soo bandhigay xirfaddiisa xakamaynta iyo goysmada si uu uga baxsado labada laacib ee Nabil Bentaleb iyo Miha Blazic dhamaadkii ciyaartii fiidnimadii Arbacada.

35-sano jirkan ayaa guul kulasoo laabtay kooxdiisa, waxaana uuna dhaliyey goolka labaad oo cajiib ahaa oo u u dhaliyey PSG, taasoo uu ku biiray 2021 kaddib markii Barcelona ay awoodi wayday inay bixiso lacagta qandaraaskiisa – kaasoo ay maamulka Barca u dusiyeen saxaafadda, sida lagu sheegay warbixin cusub oo hadda soo baxday.

Taageere ayaa soo qoray: ‘Ninkani waa haddiyadda kubadda cagta.’

Hadalsame Media