“Taa waxba iska bedeli maayaan!” – Kenya oo 2 arrimood si dadban u dareensiisey MW Xasan Sheekh

0

(Hadalsame) 16 Juun 2022 – MW Kenya ee Ahuru Kenyatta ayaa maalin dhowayd tegey magaalada Muqdisho xilli uu ka qaybgelayey caleemo-saarkii MW Xasan Sheekh.

Ahuru ayaa isaga oo munaasabadda ka khudbaynayey ballanqaaday wanaajinta xiriirka labada dal ee Somalia iyo Kenya, balse waxaa jirta arrin mudan in la is waydiiyo oo muujinaysa in ay Kenya siyaasad “weji kaama lihi ah” kula xaalayso Somalia, marka la eego labadan arrimood:

1 – Waxay Kenya duqaymo sharci-darro ah oo aan kala sooc lahayn weli kasii waddaa meelo ka tirsan koonfurta Somalia, gaar ahaan Gedo.

2 – Waxay Kenya samaysay wax ay markii dambe ay isla iyady ku tilmaantay “yax yax diblomaasiyadeed”, kaddib markii ay DF Somalia iyo Maamulka Somaliland, taasoo keentay inuu shirka ka caroodo Danjiraha Somalia ee Kenya, waloow ay markii dambe “raalligelin” rasmi ah bixiyeen.

Arrimahan ayaa loo qaadan karaa farriimo si toos ah ugu dhacaya dhegta nidaamka cusub ee yimid oo ay Kenya u sheegayso inaysan waxba ka bedeli doonin sidii ay ula dhaqmaysey DF Somalia.

DF Somalia waxaa looga fadhiyaa inay runta u sheegto Dowladda Kenya oo muddo haatan 11 sano laga joogo bilowday dhaqankan.

W; Q: Max’ed Xaaji

Hadalsame Media