Axmed Madoobe oo rag badan u dhigay “cashar” siyaasadeed

0

(Hadalsame) 16 Juun 2022 – Axmed Madoobe sida ay ila tahay waa siyaasiga xilligan ugu muxannigsan ragga xilligan siyaasadda Soomaaliya ku jira.

Siyaasaddu waa xadhko isku xidhid iyo u samrid dagaalada laysku qaado. Guushu waa in yar oo aad cagaha lugaha ku sii haysid, Axmed Madoobe dagaal aan lagu qaadin ma jiro 10kii sano ee uu xilka Jubaland joogay.

Axmed Madoobe Maanta waa madaxweynaha Jubaland, Farmaajo iyo kooxdiisii bannaankuu dhigay, Raysal wasaaruhuna waa raggiisa, Deni wuu ka cabqarisan yahay dhinaca siyaasadda, Farmaajana hadalkiisaba daa, waa nin ay Xasan Shiikh isku mustawe ku duuli karaan.

Arrimo badan Soomaalida agteeda dhaliil kama ah, laakiin dhaliisha Soomaalidu waa awoodda dalka ma ka maqan tahay mise mindida daabkeeda ayaad haysaa.

W; Q: Asad Caddaani Ibraahim

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan

Hadalsame Media