“Tan kama bixi karno!” – Reer Galbeedka oo gacan ka taagey dalab aad u CULUS oo ay la timid Ukraine

0

(Hadalsame) 16 Juun 2022 – Ukraine ayaa soo bandhigtay liis cusub oo ah hub ay sheegeen inuu ku filan yahay inay “Ruushka kaga saaraan Ukraine,” sida uu Isniintii soo bandhigay Mikhail Podolyak, oo ah La-taliyaha sare ee Madaxwayne Volodymyr Zelensky.

Dalabkaan cusub ee Ukraine ayaa si wax ku ool ah xadka u dhaafiyey hubka ay Ukraine ka rabto reer Galbeedku, ilaa xadka uu xitaa Maraykanku halis ugu jiro inuu kaydku ka dhammaado.

Hubka ay Ukraine dalbanayso waxaa ku jira 1,000 madfac oo ah howsarrada NATO ee 155mm, 300 oo xabbo oo ah hannaanka gantaalaha badan rida, 500 oo taangi oo casri ah, 2,000 oo ah gawaarida gaashaaman, iyo 1,000 xabbo oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Ma cadda noocyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gaadiidka gaashaaman ee ay Kiev u baahan tahay si ay iskaga caabbiso weerarka Ruushka ee socda ee bilowday dabayaaqadii bishii Febraayo.

Fulinta dalabaadkan cusub ee Ukraine waxay uga baahan doontaa Maraykanka – oo ah kan ugu sarreeya ee hubka siiya ciidamada Ukraine intii uu socdey dagaalku – inuu hubka ka dhigo ciidankiisa, sida ay sheegaydo warbaahinta reer Galbeedka badankeed.

Tusaale, tirada nidaamyada MLRS ee ay codsadeen, waa ku dhowaad kala bar kaydka dhan ee ay Washington ka haysato hubka noocaas ah, sida ay werinayso The Guardian, isagoo xiganaya tiro-koob ka soo baxay Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Istaraatiijiyadda (IISS).

Ciidanka Maraykanku waxa ay haystaan ilaa 363 oo ah gantaal ridaha HIMARS ah iyo 225 oo ah M270 MLRS, halka ciidamada Marines-ka Maraykanku ay haystaan 47 kale.

Sidaa darteed, dalabka madaafiicda 155mm waxay si wayn u faaruqin doontaa gebi ahaanba kaydka Maraykanka, sidoo kale waxa uu Pentagon-ku u baahan yahay inuu dhiibo ku dhowaad ​​dhammaan howsarka M777, sida ku cad maqaalka.

Dalabka kaliya ee u muuqda inay fududdahay in la qanciyo waa shuruudaha taangiyada, maadaama Ciidanka Maraykanka oo keliya lagu qiyaasay inay haystaan raxan gaaraysa ilaa 6,000 oo Abrams ah oo kaydkisa ku jira, sida ay xuday The Guardian.

Dhanka kale, Wakiilka Joogtada ah ee Maraykanka u fadhiya NATO, Julianne Smith, ayaa isna sheegay in Ukraine hubka la siinayo si ay ula dagaallanto Ruushka ay tahay hawl adag oo u taal Maraykanka iyo xulafadiisa maadaama dalabaadka Kiev ay si joogto ah isu bed-bedelayaan.

Hadalsame Media