Farqiga wayn ee ku jira sida ay Kenya & Itoobiya ay ula kala dhaqmaan dadka sita Baasaboorka Somalia

0

(Hadalsame) 09 Juun 2022 – MW Kenya ayaa maanta tegey magaalada Muqdisho isaga oo ballanqaaday wanaajinta xiriirka labada dal ee Somalia iyo Kenya, balse waxaa jirta arrin mudan in la is waydiiyo.

Anniga ahaan Ethiopia iyo Kenya waxaan jeclahay Ethiopia sababtu waxay tahay markaan Kenya aado waxaan dareemaa inaan ka imid dal burbursan oo aan nidaam lahayn, balse markaan Ethiopia tago waxaan dareemaa inaan joogo “wadankaygii labaad” waxaan helaa xushmo iyo qadarin aanan ka helin dalkayga.

Marka Garoonka Diyaaradaha ee Nairobi aad ka degto adigoo wata Baasaboor Soomaali ah misna Visa ku soo qaatay $400 oo Doollar lacag ka badan oo aad sugaysid 10 maalmood ka badan.

Weliba Baasaboorku yahay mid Dowladeed oo dunida aan laga qaadin lacag Visa Baasaboorka Dowladda sida kan diblomaasiga (Diplomatic) ama Adeegga (Service Passport), meel cidla ah lagu istaajiyo marka dadkii kale fayl u galaan miiska laanta socdaalka oo ay dokumentiyadooda dhiibtaan si loo hubiyo.

Adigana si gaar laguu istaajiyo dadka lagaa takooro siddii inaad dalka ku soo gashay sharci darro Passport-ga lagaa qaado oo uu qof la tago kaalana maqnaado 20 dqiiqo ugu yaraan, waxaad dareemaysaa inaadan ka imaan dal uu ka shaqeeyo nidaam iyo dowlad duniddu aqoonsan tahay walibana laguugu takooray.

Ethiopia markaad ka dagto Garoonka Diyaaradaha Addi Ababa adigoo sita Baasaboor Soomaali ah adoon wadan wax Visa ah aad fayl ka gasho qaybta dadka sita Baasaboorka Diblomaasiga (diplomatic passport) oo aan mashquul lahayn.

Deeto gabadhaha Laanta Socdaalka jooga markaad soo gaarto ay kugula hadlaan hadal soo dhowayn iyo muxubo leh gelitaan (entry) laguugu dhufto Baasaboorka, intaad doontana aad joogi kartid wax lacag ahna aan lagaa qaadin xataa aan lagu waydiin cinwaanka aad degeyso.

Labadaas dal miyaa isku mid kuu noqon kara? Deriskaaga adigu ma kala jeclid ee ayagaa iskaa kala jeclaysiiya.

Hadalsame Media