Gabadhii reerka dumisey oo ka hadashay sabab la yaab leh oo ay tillaabadaa u qaadday & hooyadii guriga oo ka jawaabtey

0

(Bradford) 23 Maajo 2022 – Tony Garnett ayaa sheegay in uu jeclaaday Sofiia Karkadym uuna doonayo inuu la noolaado inta ka dhiman noloshiisa, isagoo sidaa uga dal doorsaday xaaskiisii Lorna Garnett oo ay 10 sanadood wada joogeen. Halkan guji si aad uga bogato qayb kale oo sheekadan ah.

Yeelkeede. Karkadym oo ah gabar 22-jir ah oo Ukraine kasoo qaxday ayaa markii ugu horreeysey arrintan ka hadashay iyadoo ku adkaysanaysaa in aanay eed ku lahayn burburka qoyskii iyada kafaala qaaday ee gurigooda kusoo dhoweeyey.

Waxay ku tiri The Sun: ”Inaysan marna niyadeeda kusoo dhicin arrintan ay markii dambe samaysay oo ay qoyska jeclayd muddo badanna ay la qaadatay Lorna oo ay isku dayday inay caawiso, balse ay ku noqotay laba-wejiile,” sida ay tiri.

”Tuhunkeeda joogtada ah, xiisadda ay abuurtay iyo daraamaha ayaa nagu riixey inaan isu soo dhowaanno. Waxay abuurtay xaalad ay mar kasta nagu eedaynayso inay wax socdaan iyadoo aysan waxba jirin, marka eedda iyadaa iska leh.” ayay ku doodday Sofiia.

Yesterday, jilted mother Lorna Garnett shared her anger after she let the Ukrainian woman into her home.

Mrs Garnett says she was left heartbroken after her husband decided to leave her for their guest.

Shalay, hooyadii guriga dumey ee Lorna Garnett oo 28-jir ah ayaa iyadoo murugaysan wacaalkeeda iyo caradeeda la wadaagtey saxaafadda iyadoo Sun on Sunday, u sheegtay in gabadhani ay bilowgiiba ishaaratay ninkeedii Garnett oo ay go’aansatay inay wadato.

”Wax dan ah kama aysan gelin burburka ay gaysatey iyo dhibka ay nooga tagtay. Wax kasta oo noloshayda ahaa waxaa lagu qallibey muddo 2 todobaad ah.” ayay ku catowday Lorna oo sheegtay inay eedday abaalkii ay u gashay gabadhan qaxootiga ah ee kasoo carartay dagaalka dalkeeda Ukraine.

Hadalsame Media