Nin xaaskiisii uu 10-ka sano la noolaa ka raacay gabar qaxooti reer Ukraine ah oo ay guriga ku hayeen + Sawirro

0

(Bradford) 21 Maajo 2022 – Aabbe British ah oo laba caruur ah dhalay ayaa ka tegey xaaskii uu 10 sanadood la noolaa kaddib markii uu la dhacay 22 jir qaxooti ah oo kasoo carartay dagaalka Ukraine oo UK u timid si ay ula noolaato iyaga.

Tony Garnett, 29-jir, iyo lammaanihiisa Lorna, oo 28 jir ah, ayaa waxay soo dhoweeyeen Sofiia Karkadym bilawgii Maajo, laakiin 10 maalmood uun kaddib guurkoodii oo u muuqday mid farxadeed ayaa cirka ku biday kaddib markii uu odaygii dhamaa ee reerku uu foolka kula cararay gabadhii qaxootiga ahayd.

Ninka oo ah waardiye ku nool magaalada Bradford ee gobolka West Yorkshire ayaa qirtay inuu jeclaaday oo uu ku cosobsanayo 22-jirkan uuna doonayo in inta ka dhiman noloshiisa uu la qaato iyada.

Sofia, oo ku shaqeysa maamule IT ahaan, ayaa u duushay Manchester 4-tii bishan Maajo kaddib markii ay toddobaadyo caasimadda Jarmanka ee Berlin ku sugeysay oggolaanshaha fiisaha UK.

Tony waxa uu sheegay in isaga iyo Sofiya ay si degdeg ah iskugu dheceen oo uu is faham ka dhex barraahey, halka gabdhihiisa oo kala ah lix jir iyo saddex jir ay sidoo kale jeclaysteen gabadha reer Ukraine, balse lammaanihiisii 10-ka sano dhinac joogtey ayay markiiba is huruufeen oo is haaraameen gabadhii.

Tony, oo ku hadla afka Slovakian-ka, ayaa bilaabay inuu gabadha kula hadlo afkaasi hala ay iyaduna ku hadlayso afka Ukraine, maadaama labada luqadood ay yihiin kuwo la isku soo sooco oo is fahmi kara.

Waxaa ka daran, in ku hadalka afafka ay u adeegsadeen xeelad ay uga dul shaxaan xaaska laga dal doorsaday ee Lorna oo iyadu aan fahmaynin waxa ka sheekaysanayeen.

Ninka reerkiisa burburiyey ayaa sidoo kale sheegay in markii ay bilaabeen qaabkan ay xaaskiisii hore bilowday inuu tuhun galo, taasoo keentay inay masayrto oo ay dhibsato gabadhan xiriirkoodii ugu soo dhex dhacday sidii dhadhaab-cireedka.

Muddo dheerina kama soo wareegin markii ay Sofia bilowday inay Tony ugu tagto goobta jimicsiga iyagoo bilaabay inay ku dhex sheekaystaan baabuurkiisa, iyagoo marka ay guriga joogaanna bilaabay inay il-qooraadka iska eegaan.

Sofia ayaa iyadna bilaabay inay cuntooyin cusub kariso oo ay Tony ku casuunto inuu dhadhamiyo inta xaafadda la joogo, halka uu isna bilaabay muranno uu isagu allifayo si uu u helo qiil uu u xumeeyo xiriirka lamaantiisa oo aan si dhab ah u ogayn daadka kusoo fooggan.

Deeto kaddib markii ay murannadii soo noqnoqdeen weliba gabadha qaxootiga ah horteeda, ayay Sofia is ooysiisey iyadoo sheegaysa inaysan dareemaynin in gurigan lagu soo dhoweeynayo iyadoo ballanqaaday inay ka guurayso, taasoo ay ku faraxday Lorna oo awalba ka horjeeddey in gabadhan guriga la keeno maadaama ay taasi keentay in gabdhedeeda yar yar hal qol la iskugu geeyo.

Markii ay halkaa taagan tahay Tony oo adeegsanaya murtidii ahayd ”rug aan rabey roob maygu eryey”, ayaa lasoo boodey inuu isaguna raacayo haddii ay Sofia guriga ka guurto sidaa ayuuna ku raacay inta boorsooyinkiisii halhaleel u xirxirtey, taasoo keentay inuu 10 maalmood ku burburo xiriir 10 sano dhismayey.

Tan ugu daranise waxay tahay in Tony oo waraysiyo siiyey warbaahinta Ingiriiska uu haatan ku doodayo in tiiyoo uu qirayo in xaaskiisii hore aanay lahayn khalad looga tago, oo uuu misna diidan yahay inuu mas’uuliyadda qaato isagoo ku doodaya in arrintan aanu sii qorshaynin islamarkaana aanu dhib u gaysanin xaaskiisii hore ee uu ka naq raacay.

Hadalsame Media