”Waa musallifney” – Ruushka oo dharbaaxo kulul oo aarsi ah ku dhuftay shirkadda Google oo horay u qaniintey

0

(Moscow) 21 Maajo 2022 – Shirkadda Google qaybta Ruushka ayaa qorsheynaysa in ay ku dhawaaqdo inay kacday kaddib markii ay dowladdu la wareegtey akoonkeeda bangiga, taasoo ka dhigaysa wax aan macquul ahayn inay bixiso mushaarka shaqaalaha iwm, laakiin adeegyada bilaashka ah oo ay ku jiraan hab-raadinta Google iyo YouTube ayaa sii shaqayn doona, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Google.

Shirkadda Alphabet oo Google ka mas’uul ah ayaa cadaadis kala kulmaysey Ruushka muddo bilo ah kaddib markii ay ku guuldareysatay in ay tirtirto waxyaabo ay Moscow u aragto sharci darro iyo xadidaadda ay ku sameeyeen qaar ka mid ah warbaahinta Ruushka oo YouTube laga xirtey, laakiin Kremlin-ka ayaan ilaa hadda ku dhaqaaqin xannibaadda adeegyada shirkadda.

“Masuuliyiinta Ruushku waxay la wareegeen koontada Google ee bangiga Ruushka taasoo howsha aan halkaa ka wadney ka dhigtay mid aan la sii wadi karin, taasoo ay ku jirro shaqaaleysiinta iyo bixinta mushaharka shaqaalaha Ruushka ah, bixinta alaab-qaybiyeyaasha iyo iibiyeyaasha, iyo buuxinta waajibaadyada maaliyadeed ee kale,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Google.

Google Russia ayaa waxa ay daabacday ogaysiis ku saabsan rabitaankeeda ah inay ku dhawaaqayso inay musalliftay.

Kanaal TV ah oo uu leeyahay ganacsade Ruush ah oo la cunaqabateeyey ayaa sheegay bishii Abriil in Google laga xannibay khasnad ay ku jirto 1 bilyan oo ruble ($ 15 milyan oo doollar) kaddib markii ay ku guuldareysteen inay soo celiyaan akoonno YouTube ah oo ay xannibeen, laakiin tani waa markii ugu horreeysay ee shirkaddan Maraykanku ay iyadu sheegto in koontadeedii lala wareegey.

Google ayaa horay iidhehdii uga xirtey webab kala duwan oo Ruush ah isagoo Youtube ka xirtey hilinno waawayn sida RT oo aan haatan xitaa laga geli karin dalalka Galbeedka, taasoo ka dhan ah xorriyadda hadalka.

Hadalsame Media