Xasan Sh oo loosoo jeediyey inuu ninkan RW ka dhigo (Sawirkiisa & astaamaha uu kulansaday?)

0

(Hadalsame) 21 Maajo 2022 – Astaamaha ugu mudan Madaxa Xukuumadda (RW) uu dalku u baahan yahay?!

1. Qof aqoon sare oo maadi ah leh, lana hayo tijaabooyin cad oo la xiriira sida ay aqoontiisa bulshada uga faa’iideysatay.

2. Qof aqoon sare oo diineed leh oo aqoontiisa diineed la tijaabiyey lana og yahay shaqsiyadiisa diineed iyo aragtidiisa intaba.

3. Qof dhaqan aqoon ah, hoggaamiye dhaqan ah, doorkiisa nabadeyntana la tijaabiyey oo daliilaad cad loo hayo.

4. Qof odey ah, bisil, faahim ah, astaamo caddaaladeed oo waadix ah ay ka muuqdaan, ummadduna ay wada garaneyso oo ay wada ixtiraamto.

5. Qof aragtidiisa diineed ee mushkiladda dalka ka jirta ay caddahay oo aan ka cabsaneyn ALLAAH SC ka soke, bulshada mar walba ku wacyigaliya in ay ka hor timaaddo aragtiyada gurracan ee shaatiga diineed loo galiyey.

6. Qof iimaan leh oo aan is leeyahay hantida ummadda way ka amaan heleysaa, wuuna xafidayaa.

Astaamahaas iyo kuwo ka badanba waxaa ku aqaanaa, amaba aan ku tuhmayaa Sheekh, Injineer, Suldaan Cabdiqani Qorane, halka Madaxwayne Xasan Sh Maxamuud dhankaas fursad wayn oo wanaagsan oo kugu hagta waddada aad ugu guuleysan kartid hadafyadaada xilligan ee hoggaaminta dalka ayaa ka bidhaansan, talo uruurintaada ku darso.

FG: Fadlan farriinteydan sii faafiya, si ay u gaarto Madaxwaynaha.

W; Q: Abuukar Al Badri

Hadalsame Media