Dal Muslim ah oo dadkiisa ka mamnuucay inay booqday 16 waddan oo ay Somalia ku jirto + Sababta

0

(Hadalsame) 23 Maajo 2022 – 16 dal oo ay ku jirto Somalia ayaa laga mamnuucay inay u safraan muwaadiniinta Sacuudiga sababo la xiriira caabuq-sidaha COVID-19 iyo kiisaska cusub ee dalalkaas, sida uu sheegay Agaasinka Guud ee Socdaalka (Jawazat).

Liiska wadamada aysan tegi karin dadka Sucuudiga oo Muslim u badan waxaa ka mid ah; Lubnaan, Suuriya, Turkiga, Iiraan, Afgaanistaan, Hindiya, Yaman, Soomaaliya, Itoobiya, DRC Congo, Libya, Indonesia, Vietnam, Armenia, Belarus, iyo Venezuela.

Agaasinka guud ee Socdaalka & Baasaboorrada (Jawazat) ayaa carrabka ku adkeeyey in xilliga shaqaynta qofka sita baasaboorka Sacuudiga ee doonaya inuu u safro wadamada aan Carabta ahayn ay tahay inuu ka badnaado 6 bilood.

Sida ku cad qoraalka, ansaxnimada baasaboorka waa in uu ahaado mid ay dhiciddiisa ka dhimman tahay wax ka badan 3 bilood marka loo safrayo wadamada Carabta. Dhanka muwaadiniinta u safraya wadamada kale ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), ansaxnimada kaarka aqoonsiga qaranku waa in uu ahaadaa mid shaqaynaya in ka badan 3 bilood.

Jawazat-ka ayaa sidoo kale sheegay in dhallinta ka yar da’da 16 ilaa 12 ay u baahan yihiin laba goojo oo tallaalka ah Covid-19 ah. Halka wixii kasii yar 12-jir looga baahan yahay inuu sito caymis daboolaya cudurka coronavirus marka ay u safrayaan meel ka baxsan Boqortooyada.

Hadalsame Media