Ruushka oo robot gaashaaman la yimid dalka Ukraine & howsha uu qabanayo + Sawirro

0

(Hadalsame) 22 Maajo 2022Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa soo bandhigtay muuqaallo muujinaya ciidamada dhulka oo isticmaalaya Robot-ka Uran-6 oo aan cidina wadin si ay miinooyinka uga saaraan waddooyinka gobolka Luhansk. Wasaaradda Ruushka ayaa sheegtay in ciidamada qalabka sida ee Ukraine ay dhigeen “miiyooyin badan” gobolka Luhansk.

Muxuu yahay Uran-6

Waa Robot Ruush ah oo howl badan qaban kara kuwaasoo ay ku jiraan miino-saarka dhulka. Robot-kan waxa lagu daabuli karaa cirka, badda, iyo dhulka. Aad ayuu xajmi ahaan u fudue yahay – culeyskiisu waa 6 tan oo keliya, dhererkiisu waa ilaa 4.5 mitir, ballac ahaanna waa 2 mitir, jooggana waa 1.5 mitir.

Watch: Russia uses Uran-6 mine-clearing robot to demine Luhansk
Robot-ka gaashaaman ee Ruushku miinada ku baaro

Waxaa ku rakiban afar kaamaradood oo xagga sare ah, taas oo u oggolaanaysa howlwadeenka ku shaqeeynaya in uu la socdo oo uu helo sawir xagashiisu buuxdo oo 360-digrii ah. Waxa gacanta ku haya hal howlwadeen, sawirka ay soo celinaysaana waa mid toos ah.

Uran-6 waxaa loogu yeeraa mid doorar badan ciyaara sababtoo ah waxay si fudud loo dhexgalin karaa qalabka gacanta ka gaysanaya in dhulka la miino saaro, sida yaambada cagaf cagafta oo 1.8 m ballac ahaan dhan, miino saarka iskiis u shaqeeya ee “Boykova”, wiishashka iyo aaladda kale ee miinooyinka baarta ee “Katkov” IWM.

Watch-Russia-uses-Uran-6-mine-clearing-robot-to-demine-Luhansk-1
Meesha laga xukumo

The robot can be controlled remotely at a distance of up to 1 km. The machine operator remotely selects an effective disposal device based on the type of object determined by the robot.

Robot-ka waxaa laga xukumi karaa meel fogaan ahaan dhan ilaa 1 km. Howlwadeenka mishiinka ku shaqaynaya waxa uu meel fog ka dooranayaa nooca wax ku oolka ah ee loo qarxinayo miinada taasoo hadba ku salaysan nooca shaygan robot-ka ihi uu go’aamiyo.

Hadalsame Media