Danjire Madeira ma tegey mise weli howshiisa ayuu si caadi ah u wataa (Shir caalami ah oo uu ka qaybgalay & goorta)

0

(Muqdisho) 06 Maajo 2022 – Ra’iisul Wasaare, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa amray inuu dalka 48 saac gudahood uga baxo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, Francisco Madeira, kaasoo sida ka muuqata cod sir ah oo laga duubay dhex boodaya arrimaha gudaha Somalia oo ay tahay inuu dhexdhexaad ka noqdo.

”Dowladda Soomaaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska RW Rooble.

Yeelkeede, isla bartamihii bishii Abriil Guddoonka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa ku gacan sayray cayrinta Madeira oo ay taageero furan u muujiyeen iyagoo sheegay inuu kasii shaqayn doono dalka Somalia, waloow maalmo kaddib la sheegay in la diyaariyey Danjirihii bedeli lahaa Madeira.

Yeelkeede, Danjire Madeira ayay muuqataa inuu weli howshiisii si caadi ah u wato isagoo ka qayb qaatay kulan ay dorraad yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) oo ku tusmaysan kal-fadhigii 1081-aad islamarkaana qabsoomay 4-tii Maajo 2022-ka.

Kulankan ayaa lagu gorfeeynayey weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen Saldhigga Furin-horaadka ah ee Howlgalka Midowga Afrika ee KMG ah ee Soomaaliya (ATMIS), ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ee dhaca Koonfur-galbeed ee Muqdisho ka dhacay 3dii Maajo 2022.

”Goluhu wuxuu dhegeystey kelmadaha furitaanka ee Wakiilka Joogtada ah ee Jamhuuriyadda Cameroon u fadhiya Midowga Afrika, ahna Guddoomiyaha PSC ee bishan Maajo 2022, H.E. Danjire Churchill Ewumbue-Monono, hadalka uu jeediyey Ergayga Joogtada ah ee Jamhuuriyadda Burundi u fadhiya Midowga Afrika, H.E. Danjire Willy Nyamitwe iyo warbixin kooban oo xog-siin ah oo uu jeediyey Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, H.E Danjire Francisco Madeira.” ayaa lagu yiri qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Midowga Afrika.

Hadalsame Media