DHEGEYSO: Codka qarsoodiga ah ee Danjire Madeira oo aan fasirnay & khaladaadka ku jira

0

(Muqdisho) 07 Abriil 2022 – Ra’iisul Wasaare, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa amray inuu dalka 48 saac gudahood uga baxo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, Francisco Madeira, kaasoo sida ka muuqata cod sir ah oo laga duubay dhex boodaya arrimaha gudaha Somalia oo ay tahay inuu dhexdhexaad ka noqdo.

”Dowladda Soomaaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska RW Rooble.

Haddaba, codka soda qarsoodi ah looga duubay Madeira ayuu kaga hadlayaa in Ra’iisul Wasaare, Maxamed Xuseen Rooble, uu aad u neceb yahay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, isagoo sidoo kale soo qaadaya qaraxii Beledwayne.

Waxaa uu leeyahay sidatan: “Ma rumaysan kartaan sida ay doqonnimo u tahay iyo inay tani ka dhacayso Soomaaliya?! 2 madaxweyne hore, oo weliba mid mucaarad xooggan yahay. Marka aad sheegto magaca Taliyaha Ciidanka Xoogga (Odawaa) Ra’iisul Wasaaruhu wuu kacayaa oo kululaanayaa. Wuu neceb yahay, reerkiisana xitaa wuu neceb yahay”.

“Waan ognahay had iyo jeerna waanu ogayn muddo dheer, wayna is rogrogaysaa. Waana run wixii ka dhacay Beledwayne. haddii qof kale la isku qarxin lahaa ma jirto cid wax badan ka sheegi lahayd, balse hadda qof caan ah ayaa la diley oo xildhibaan ah. Marka hadda waxay garwaaqsadeen inay u baahan yihiin inay Farmaajo wajahaan sababtoo ah suurtagalnimada inuu Farmaajo guuleysto ayaa u muuqata inay meesha ku jirto waxayna doonayaan inay joojiyaan taas.”

”Khasab ma aha in marwada lafteedu (Aamina) sidaa ahayd, balse raasumaalka siyaasadeed ee ay waqtigan u taagan tahay waxay taas u adeegsanayaan fursad kale oo ay Farmaajo ku tuuraan.

”Madoobe muxuu u tixgelin la’yahay, muxuu Deni ula saftay Madoobe dhanka Garbahaarreey? Waxay ku heshiiyeen inay tirada wiiqaan laakiin hadda way arkayaan…” “Laakin khadadka waa la sameeyay, dagaalkuna wuu bilaabanayaa, sababtoo ah hadda way caddahay in dib loo dooran karo, Afhayeenka Baarlamaanka iyo Ku-xigeenka.”

Codkan oo xaaladda taagan weji cusub oo hor leh u yeelaya ayaa muujinaya in gebi ahaanba uu Madeira dhinac maray anshaxii iyo xeerarkii diblomaasiga ahaa oo idil isagoo si toos ah ugu muuqda mid ku milan khilaafka taagan oo uu dhinac la saftay, weliba si aan leexleexad lahayn oo qaawan, iyadoo uu MW Farmaajo markale ku ceeboobi doono inuu difaaco Danjirahan.

Halkan hoose ka dhegeyso codadka…

Hadalsame Media