”Qorshahaas ayay wadaan” – Shiinaha oo la sheegay inuu dagaalka Ukraine ka baranayo cashar uu ku weeraro Taiwan

0

(Beijing) 06 Abriil 2022 – Dhacdooyinka iyo dagaalka Ukraine waxay daaqadda soo dhigeen weerar suurtagal ah oo uu Shiinuhu ku qaado Taiwan, kaasoo haatan ah ‘mid aan la saadaalin karin,’ sida uu qabo Taliyaha Ciidamada Dadda ee Maraykanka, gaar ahaan Raxanta Baasifigga, Admiral Samuel Paparo.

Intii lagu guda jirey kulan uu la yeeshay suxufiyiin ka socda wadamada Indo-Pacific ee tegey Washington, Paparo ayaa la waydiiyay inuu u malaynayo in iskahorimaadka Ukraine iyo cunaqabataynta caalamiga ah ee xanuujisada ah ee lagu soo rogay Ruushka, ay Bejing arrintaas awgeed ay uga weecan karto qorshaha ay ku doonayso inay Taiwan dib ugu soo celiso gacanteeda.

“Shiinuhu shaki la’aan wuxuu daawanayaa waxa ka dhacaya Ukraine, isagoo samaysanaya qoraallo, waxna ka baranaya… Laakiin waxay dhisi doonaan cududdooda taasoo ku salaysan waxa ay ka barteen duullaanka Ukraine,” ayuu yiri.

Laakiin waxaas oo dhan dartood, “midayn xoog ihi waa suurtagal [Shiinaha iyo Taiwan] waana mid aad u sarreeysa oo aan la saadaalin karin,” Paparo ayaa sidaa tilmaamay.

Hadalsame Media