Shiinaha oo lagu eedeeyey inay qalaan maxaabiista toogashada lagu xukumo kahor inta aanay dhiman + Ujeedka

0

(Beijing) 07 Abriil 2022 – Boqolaal dhakhaatiir ah oo Shiinees ah oo dhanka qalliinka ah iyo shaqaale caafimaad oo kale ayaa lagu eedeeyay inay dileen maxaabiista dilka lagu xukumay si ay ugala baxaan wadnahooda si loogu tallaalo dad kale xitaa kahor inta aan maxaabiistani si rasmi ah loogu dhawaaqin inay dhinteen, sida ku cad warqad cilmiyeed cusub.

Marka la eego hab-raacyada caalamiga ah iyo anshaxa xubin-tallaalka waxaa ku dhigan in marka qof xubintiisa loo adeegsanayo deeq ahaan aanay iyadu sababin geerida qofkaasi, taasoo ka dhigan in aan qofka loo dili karin xubinta darteed.

Yeelkeede, cilmi-baaristan cusub ee Jaamacadda Qaranka ee Australia ay todobaadkan ku daabacday joornaalka Maraykanka ee Journal of Transplantation ayaa waxay soo jeedinaysaa dhakhaatiirta qalliinka Shiinaha laga yaabo inay sidaas sameeyaan.

Dib-u-eegis lagu sameeyay 2,838 warbixinnada joornaallada sayniska ee Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday 71 xaaladood oo dhakhaatiirta qalliinka laga yaabo inay wadnaha ama sambabda ka saareen bukaanka kahor “inta aan la go’aamin dhimashada maskaxda qofka”.

Dhimashada maskaxda waxaa sida caadiga ah lagu qeexaa xaalad caafimaad oo aanu bukaanku ku noolaan karin haddii aan lagu xirin neef-siiye ogsijiin.

71-da kiis ee ay dooddu ka joogto ayaa dhamaantood dhacay intii u dhaxaysay 1980 iyo 2015, oo ah taariikh muhiim ah maadaama ay sidoo kale ahayd sanadkii Shiinuhu si rasmi ah u mamnuucay qaadashada xubnaha maxaabiista la xukumay.

Xilligaa kahor, badi xubnaha tallaalka ee Shiinaha ayaa la rumaysan yahay in ay ka imanayeen dembiilayaal la toogtay sababtoo ah ku-deeqidda xubnaha ayaa sida kale ayaa aad u xaddidnayd.

Halkan kasii akhri…

Hadalsame Media