Weerar halis ah oo kharbudaad ah oo laga fuliyey wershad muhim u ah Ciidamada Ruushka + Muuqaal & Sawirro

0

(Hadalsame) 06 Maajo 2022Ruushka ayaa u muuqda mid wajahaya weerarro isa soo taraya oo kharbudaad ah oo ka dhacaya gudaha dalkiisa kuwaasoo ka dhan ah kaabayaasha ciidamada iyo kaydadka shidaalka iyo meelo kale dagaalka Ukraine dartii.

Weerarkan ugu dambeeya ayaa lagu qaaday Wershad Sancaysa Kiimikada iyo walxaha Qaraxa oo ku taal Dzerzhinsk, taasoo uu dabku baabi’iyay, balse aan ilaa hadda la xaqiijin sababta keentay dabka. Wershaddan ayaa sidoo kale samaysa hubka kiimikada ayaa inta badan bas beeshay maadaama ay ka buuxaan walxo dabka caawinaya.

Waxaa dadka dabkan ku dhintay laga magacaabay 3 qofood oo kala ah: Svetlana Bardakova, 59, Olga Savishchenko, 43, iyo Ulyana Frants, 36-jir.

Muuqaallo kale oo soo baxaya ayaa muujinaya in qaraxyo macmal ah lagu weeraray Xafiiska Diiwaangelinta Ciidamada Ruushka xilli la sheegayo in Vladimir Putin uu ku dhawaaqi karo dagaal furan oo ka dhan ah Ukraine 9-ka Maajo oo ku beegan dabaaldegga Maalinta Guusha Ruushka, maadaama uusan awal dagaal ku tilmaamin weerarka Ukraine.

Halkan hoose ka daawo qof mukharrib ah oo funaanad koofileey ah ku dhuumanaya oo dhalooyin holcaya ku tuuraya xafiiska.

Dababka isdaba jooga ah – oo mid ka mid ah ay ku dhinteen 22 qof Machadka Cilmi-baarista iyo naqshadanta Gantaalaha ee Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo mid kale oo saddex lagu dilEy wershad samaysa walxaha qarxa – ayaa sidoo kale loo arkaa in ay suurtagal tahay in saraakiisha Ruushku ay qarinayaan ama yareynayaan khasaaraha weerarrada qaarkood.

Hadalsame Media