Fitamiinnada Iyo macdanaha jirku u baahan yahay & mid walba cuntada aad ka heli karto

0

(Hadalsame) 06 Maajo 2022 – Waxaa jira dhowr nooc oo iskugu jira macaadin iyo fitamiinno muhim u ah jirka iyo caafimaadka noolaha, waxaana idiin haynaa noocyadooda & cuntooyinka laga helo.

Fitamin A:

Waxaa jira laba nooc oo fitamin A ah, mid wuxuu ka yimaadaa hilbka iyo caanaha xoolaha, waana mid aad u baahan tahay si aad habeenki wax u aragto iyo si jirkaagu uu ula dagaallamo infekshanada. Midka kale wuxuu ka yimaadaa cunnada uu asalkeedu ahaa geed, waxaad ugu baahan tahay si aad u yareysid arag xumada la xiriirta gabowga. Si aad u heshid xaddi fiican oo fitamin A ah, cun bataati, burtuqaal, isbinaj iyo cuntada bada, qaraha, ogsoonoow xaddiga fitamin A oo bata wuxuu dhaawici karaa beerka.

Fitamiin B3:

Fitamiinkaan loo yaqaannaa “Niacin” wuxuu muhiim u yahay maqaarka iyo neerfaha, wuxuu kaloo hoos u dhigaa kolestaroolka. Waxaa laga helaa baradhada macaan, ukunta, hilibka iyo lawska.

Fitamin B12:

Fitamin B12 ku waxaa laga helaa ukunta, beerka, kilyaha iyo caanaha. Fitaminkaan wuxuu badanaa caawiyaa sidi uu jirkaagu u burburin lahaa raashiinka si uu uga helo tamar.

Fitamin C:

Haddi aad lee dahay astaamaha hargabka, fitamin C gu wuu kuu fican yahay. Jirkaagu wuxuu u baahan yahay fitaminkaan si uu udhiso lafaha, maqaarka iyo murqaha. Cunnooyinka laga helo waxaa ka mid ah, liin dhanaanta, liin macaanta, canabka, borokoliga, babaayga, qaraha iyo qudaarta cagaaran.

Fitamin D:

Fitaminkaan wuxuu cawiyaa lafaha, iyo sidi ay dareemayashaa ku xambaari lahaayeen fariimaha maskaxda. Sidoo kale waxay la dagaalantaa jeermisyada qaar. Waxaa laga helaa 10 ilaa 15 daqiiqo oo la qoraxeysto. Waxaa kaloo laga helaa caanaha, ukunta iyo kalluunka.

Fitamin E:

Fitamiinkaan wuxuu unugyada ka caawiyaa dhaawacyada kasoo gaara sigaarka iyo wasakhda deegaanka iyo shucaaca badan ee qoraxda, sidoo kale wuxuu caawiyaa sidi ay uwada xiriiri lahaayeen unugyada iyo dhaqaajinta dhiiga, waxaa laga helaa miraha ku bahoobay lawska. Waxaa kaloo laga helaa afakaadada, saliida gabaldayaha, cambaha iyo babaayga

Folic acid:

Waa maado ay u baahan yihiin hooyooyinka uurka leh. Waxay caawineysaa sameynta DNA iyo ka hortaga xangulaha uurjifka oo aan si fiican u habeysmin. Sidoo kale waxay ka hortagtaa iinta/cilladaha lagu dhasho, waxaa laga helaa gallyda, digirta, salbuukada, falfalliirka, oranjada, liin bambeelmada, saliidda lawska iyo khudaarta sidoo kale waxaad weydiin kartaa dhakhtarkaaga inaad qaadatid fitaminkaan marka aad uurka leedahay.

Fitamin K:

Waxaad ugu baahan tahay fitaminkaan inuu kaa cawiyo xinjireynta dhiiga iyo lafo caafimaad qaba. Waxaa laga helaa borokoliga, kaabajka iyo isbinaj ka.

Kalsiyam (Calcium):

Macdantaan waa aasaaska lafaha iyo ilkaha, sidoo kale waxay furo u tahay dhaq dhaqaaqa muruqa wadnaha. Waxaa kalsiyam laga helaa caanaha, farmaajada, iyo caana garoorka, sidoo kale waxaa laga helaa borokoliga iyo qurdaarta cagaaran.

Birr (iron):

Marka jirkaagu uu ku yar yahay maadada birta ah, jirkaagu ma sameyn karo unugyada cascas ee dhiiga, unugyadaas la ‘aantooda jirkaaga ma isticmaali karo oksijin. Dumarka uurka leh ama ay caadadoodu si daran u qulquleyso waxay unugul yihiin dhiigyari. Waxaa laga helaa digirta, isbinajka, shukulaata madow iyo hilibka.

Magnesiyam (Magnesium):

Macdantaan waxay caawisaa sidi ay isugu soo uruurin lahaayeen murqaha gaar ahaan kan wadnaha, sidoo kale waxay xakemeysaa cadaadiska dhiiga iyo sonkorta dhiiga. Waxaa laga helaa lawska, isbinajka, afakaadhada, mooska iyo badarka.

Botasiyam (Potassium):

Macdantaan waxay caawisaa cadaadiska dhiiga iyo shaqada kilyaha, hadii ay yaraato ama ay badato waxay halis gelin kartaa wadnaha iyo habka neerfaha, waqxaa laga helaa mooska iyo qudaarta cagaaran.

Isha: Daryeel Magazine

Hadalsame Media