“Anigoo iska ooynaya oo ay niman ii fagfakanayaan ayaa waxaa timid haweeney uu….”

0

(Hadalsame) 05 Maajo 2022 – 2007-dii ayaan u qaxay Ceelasha Biyaha anigoo aan beerkayga beer ii wehlin oo 5 carruur ah haysta. Baabuurka aan raacay wuxuu u kiraysnaa oday hantiile ah oo gabdhihiisa aan kor uun iska naqaanney.

Si khasab iyo tuugsi isku daran ah ayaan gaariga u fuulay inaan ka degana waan diidey darawalka iyo kirishbooyga midba mar ayuu ii soo baxbaxsanaayey balse anigu dheg jalaq umaanan siineyne hal kursi ayaan inta isku aruuriyey hoos iskaga foorarsaday.

Naag uu ninka gaariga soo kiraystay qabey oo qof aad u fiican ahayd ayaa inta soo gashay oo i aragtay nimankiiyoo qaylinaayana indhaha ku dhufatay tiri: “War gabadha daaya duf Alle idin badye! Maxaad uga oohineysan maskiinta?”

Markaan arkay inay qof ii naxariisanaaya tahay ayaan afka iska furtay oo oohinteydii halkii ka sii watay.

Markaan ambabaxnay aad ayaan u farxay waxaana Ilaahey ugu mahadiyey inuu aniga iyo ilmahaygaba madficii naga soo dhex saaray.

Balse markii aan ku dhowaannay magaalada afkeeda ayaan haddana dareemay murug iyo inaan Ceelasha cidna ii degganayn lacagna aanan haysan.

Markii gaarigii aan ka degannay laamiga dhiniciisa ayaan iskala istaagay ilmihii hareeraha jidka ayaan labada dhinac u eegay meel aan u dhaqaaqana waan garan waayey.

Miis hilib ah oo meesha u dhowaa ayaan inta istaagey waxaan ku iri ninkii iska lahaa: “Adeer ii ogoloow inaan meeshaan agtaada ilmaha fariisisto.”

Nin fiican ayuu ahaaye kartoon yar ayuu inta ii soo qabtay hoosna ugu foorarsaday dhowr mukulaal oo meesha hilib ugu cunaayey si uu uga bixiyo ayaan anigoo iska dhigaaya qof marti ah oo ka xishoonaya in mukulaashaan igasoo horreeysey darteey miiska looga hoos bixiyo ayaan ninkii ku iri:

“Adeer iska dhaaf geeskaan ayaan ilmaha ku cariirsanaa wayna iska fariisanayaan aniguna magaalada ayaan gelayaa bal inaan helo qof isiisa buush iyo agab aan ilmahayga iyo aniguba ku noolaanno.”

La soco sheekadaan qaybta dambe, danta aan ka leeyahay waa uun inaan qaxa iyo dhibkiisa dib u milicsadee.

W; Q: Mullaaxo Sabriye

Hadalsame Media