Qiimaynta GUNTA khilaafka ka taagan Puntland & iyo cidda ugu wayn ee ku khasaaraysa

0

(Hadalsame) 05 Maajo 2022 – GUNTA KHILAAFKA KA TAAGAN PUNTLAND.

Madaxweyne Karaash waxa uu hal xiraale u diray Madaxweyne Deni, halka uu xujo hordhigay Wasiir Xasan Shire.

Danaha isdiidan ee Hoggaanka Puntland waxa uu ku saleysan yahay damaca kala duwan ee mid walba uu gaargiisa u solayo (Deni, Karaash iyo Xasan Shire).

Madaxweyne Deni qorshaha uu xilka Puntland isugu dhejinayo waa mid istaraatiiji ah oo uu ku dhisay mustaqbalkiisa siyaasadeed. Si koobanna waa in uu tookadan calafkiisa Muqdisho ku tijaabiyo, ugu yaraanna Ra’iisul Wasaare soo dhisto oo uu Puntland ku laabto isagoo saameyn ku leh dhanka Federaalka, si uu u sii wato damaciisa ku aaddan in uu Soomaaliya Madaxweyne ka noqdo.

Sidee ugu suurtoobaysaa in uu mar labaad u soo tartamo xilka Madaxtinada Soomaaliya 2027 isagoo wali Puntland Madaxweyne ka ah?!

Deni waxa uu garowsan yahay in miisaanka siyaasadeed ee uu ku leeyahay doorashada Soomaaliya ay sabab u tahay xilka uu huwan yahay ee Puntland, taas isagoo ka duulayana waxa uu diyaarsaday istaraatiijiyad ku dhisan muddo kororsi xilkiisa Puntland.

Kolka uu dib u laabto, waxaa qorshuhu yahay in uu boorka ka jafo qorshihii doorashada Qof iyo Codka degmooyinka, dhammaadka muddo xileedkiisana uu Baarlamaanka horgeeyo fikir oranaya “Dadka Puntland si toos ah ha u soo doorteen Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, taasina waxa ay u baahan tahay ugu yaraan Labo sano”, sidaasna loogu ansixyo in uu joogo ilaa sanadka 2027-ka oo uu mar kale Soomaaliya isu soo taago isagoo Madaxweyne Puntland ah.

Dhankiisa, Xasan Shire waxaa u muuqata in uu khasnadda sii haysto, taladana wax ka go’aamiyo ilaa sanadka 2024-ka markaas oo ay ku egtahay muddo xileedka Xukuumaddan, kaddibna uu dadaal ku bixiyo in doorashadu ay wakhtigeeda ku dhacdo, maadaama uu isu arko “Qofka ugu xoog badan wakhtigaas.”

Halka, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ay u muuqato fursadda maanta iyo go’doomintii siyaasadeed ee lagu sameeyey tan iyo markii ay timid Xukuumaddan taas oo aanu kusii jiri karin ilaa iyo sanadka 2027-ka.

Raggaas oo idil waxay “istijaabinta” ku burburinayaan waa mustaqbalka dhallinyarada iyo guud ahaan shacabka Puntland oo ah cidda kaliya ee ku khasaaraysa dagaalkan.

W; Q: Maxamuud Bashiir Jaamac

Hadalsame Media