ISKA JIR LA ISKUMA JECLEE! 5 astaamood oo ay raggu uga cararaan gabadhii ay ku arkaan (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 04 Abriil 2022 – Waxaan mar walba maqalnaa waxa dumarku u arkaan waxyaabaha aan soo jiidashada lahayn ee ragga sida kuwa aan hamiga iyo mas’uuliyadda lahayn, aan xoolaha haysan iyo boqol qodob oo kale. Aqri qaybtii 1-aad…

Yeelkeede, waxay inta badan xaajadu xasaasi noqotaa marka ay timaado in raggu ay ka hadlaan waxa aysan ka helin ama aan soo jiidashada u lahayn ee dhanka haweenka. Qaar ka mid ah waxyaabahaa ayaan kusoo koob liiskan oo ka kooban 5 qodob. Sii akhriso:

  • Qaraarsanaan

Waqtiyadan aanu noolnahay ayaa ka dhigaya wax caadi ah in haweenka qaar ay hoos u dhigaan ragga. Qaarkood baa waxay si degdeg ah ugu qayliyaan in ‘ragu yihiin qashin’ waloow marka xaqiiqda laga hadlo laga yaabo inay taa lafteeda ragga kusoo jiidanayaan. Isku soo wada duuboo, waxaa laga yaabaa in aad adigu tahay qofka dhibka ku qabta kala saarida ragga xun iyo kuwa wanaagsan.

Waa arrin xiiso leh sababtoo ah isla haweenaydani waxay weli doonaysaa inay hesho qof iyada jecel, tiiyoo ay weli sidato shandado ay ka buuxaan dhibaatooyin ay ragga ka tirsanayso oo aan la xallin, taasoo ay raggu u arki karaan inaad tahay xamuul aan la qaadi karin.

Inaad muujiso dabci ay ka muuqato qaraar kaa haya saaxiibkaagii ama ninkaagii hore ama guud ahaanba raggu, waxay si dhaqso ah u cayrisaa ragga aad rabto inaad la noolaato.

  • Dhowrsanaan la’aan & xishood darro

Dumar badan ayaa u haysta in raggo jecel yihiin gabadhii ay ka helaan waxa ay doonayaan sida galmo iwm. Waxaa kaloo laga yaabaa inaad si aad soo jiidasho u aragto inaad jirkaaga muujiso oo aad internet-ka isku faafiso, iyadoo ay runtu tahay inay taasi ragga ka horjoogsato inay qof dhab ah oo dhadhan leh kuu qaataan ama ay kugu qadariyaan qofka aad tahay.

Waxyaabaha jahawareerka leh ayaa waxaa ka mid ah in xitaa dumar badani aysan samaynin inay ragga jir ahaan isu dhiibaan, balse ay jirkooda kusoo bandhigaan internet-ka si loo qiimeeyo, bale taasi waxay keentaa in ragga wanaagsani ka cararaan inay abid wax kugu darsadaan.

Xishood la’aantu waxay soo jiidataa nooca ragga ah ee ku rabi lahaa inay waqti kooban kula qaataan, laakiin sidaa ku heli maysid lammaane ruuxi ah oo kula jooga waqti dheer.

La soco qayb kale…

Waxaa Diyaariyey: Max’ed Xaaji

Hadalsame Media