Woqooyiga Kuuriya oo digniin iyo hanjabaad iskugu dartay Koonfurta Kuuriya (Yaa daardaarka bilaabay?)

0

(Pyongyang) 04 Abriil 2022 – Walaasha Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ee Kim Jong-un ayaa ka digtey inay cirka isku shareerto xiisadda kala dhexeysa Kuuriyada Koonfureed kaddib markii uu Wasiirkeeda Difaacu uu ka hadlay awoodda dalkiisa uu u leeyahay in uu Pyongyang ku duqeeyo hub uu shiishkiisu saxan yahay.

Hadalkaa oo Jimcihii kasoo yeeray Wasiirka Difaaca Kuuriyada Koonfureed ee Suh Wook ayaa u muuqda mid sii xumeeyey xiriirka ka dhexeeya labda Kuuriya iyo xiisadda millateri ee gacanka Kuuriya, sida ay sheegtay Kim Yo-jong, oo la hadlaysey Wakaaladda Wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee loo yaqaan Yonhap.

Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo ay jireen hadallo qallafsan oo is-daba-joog ah misna labada dhinac ayaa la sheegay in ay talefoon ku wada hadleen xafiiska xiriirka labada Kuuriya 9-kii subaxnimo ee Isniintan, sidii uu qorshuhu ahaa.

Axadii, Kim Yo-jong, oo ah La-taliye muhim u ah walaalkeed Kim Jong-un, islamarkaana xubin ka ah Guddiga Arrimaha Dowladda ee Kuuriyada Waqooyi, ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Kuuriyada Koonfureed Suh Wook ku tilmaantay nin aan macno lahayn oo khilaaf raadis ah”. Waxay sidoo kale ka digtey in Seoul “ay wajihi karto khatar wayn” hadallada Suh “ee taxaddar la’aanta ah dartood”, sida ay faafisay KCNA.

Waxay intaas ku dartay in Kuuriyada Koonfureed “ay wajihi karto khatar wayn” maadaama ay Kuuriyada Waqooyi ay ka fikirayso dookhyadeeda si ay uga jawaabto hadalka Suh.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ka hadlay diyaargarowga iyo heeganka millateri ee Kuuriyada Koonfureed tiiyoo ay jirto daandaansi dhowaan ka yimid dhanka Pyongyang, sida bishii la soo dhaafay oo ay tijaabisey gantaalaha baalistigga ah ee qaaradda (ICBM), isaga oo ku faanay in Seoul ay “si aan lala waayaynin oo degdeg ah u garaaci karto bartilmaameed kasta” oo Waqooyiga ku yaalla.

“Haatan, ciidankeennu wuxuu haystaa noocyo kala duwan oo gantaalo ah, kuwaasoo si wayn uga soo raayey sidii hore marka ay timaado riddada, saxnaanta shiishka iyo awooddba.” ayuu yiri Wasiir Suh.

Kuuriyada Koonfureed ayaa ka jawaabtey riditaanka ICBM iyada oo ku nuuxnuuxsatay kuna faantay awooddeeda ciidan, sida tijaabinta gantaalo badan iyadoo soo bandhigtay diyaaradaheeda F-35 mar ay dhoolatus samaysay.

Hadalsame Media

 

 

Facebook Comments