ISKA JIR LA ISKUMA JECLEE! 5 astaamood oo ay raggu uga cararaan gabadhii ay ku arkaan

0

(Hadalsame) 31 Marso 2022 – Waxaan mar walba maqalnaa waxa dumarku u arkaan waxyaabaha aan soo jiidashada lahayn ee ragga sida kuwa aan hamiga iyo mas’uuliyadda lahayn, aan xoolaha haysan iyo boqol qodob oo kale.

Yeelkeede, waxay inta badan xaajadu xasaasi noqotaa marka ay timaado in raggu ay ka hadlaan waxa aysan ka helin ama aan soo jiidashada u lahayn ee dhanka haweenka. Qaar ka mid ah waxyaabahaa ayaan kusoo koob liiskan oo ka kooban 5 qodob. Sii akhriso:

  • Ku dhinac orod fara ka bax ah

Inaad karti u leedahay inaad daryeesho naftaada waa qayb ka mid ah badbaadada qofka ceebna maaha. Arrintu waxay aad u adkaataa marka aad nin doonayso misna aadan ogolayn inuu wax talo iyo qorshe ah noloshaada ku yeesho.

Dabcan dumarka qaar waa ku saxan yihiin taas waase kuwa rag oo idil faraha ka qaada, balse waxaa jira dumar badan oo si qarsoodi ah u doonaya nin laakiin aad uga xishoonaya inay qirtaan taas, balse doonaya inay nin helaan waxna aan iyada la waydiin oo wixii ay doonto uun ay samayso.

Haddii aad rabto inaad hesho qof kuu gaar ah oo aad guursato maalin, waa inaad barataa inaad wax badan ka harto gaariga orodka badan ee ay dumar badani saaran yihiin oo ah inaad si ka badbadis ah naftaada uun diiradda u saarto adigoo ninkii kula hadlaba ku salaamaya sida aadan ugu baahnayn qof lamaane ah adigoo naftaada hafraya oo been ka sheegaya.

  • Bisayl la’aan

Ka fogow dhaqamada caruurnimada muujinaya ee kuu ekaynaya qof wax-maroorsanaya (manipulative) islamarkaana aan waaqici ahayn ama aan bislayn. Way fiican tahay inaad noqoto qof dhab ah iyo inaad xiriir caafimaad qaba oo bilaa daraama ah la wadaagto lamaanahaaga.

Yeelkeede, oohinta bihin-bihiska ah, erayada liita, kelmadaha aan laga fiirsan ee qiiraysan, xanaaqa aan waxba ku toornayn ama aan sababaysnayn, isku dayga wax maroorinta ku dhisan (manipulation) iyo hanjabaaddu, waa waxyaabaha ugu waawayn ee shiiwiya ama cayriya ragga mid xiriir kula leh, mid ku qaba iyo mid ku rabi lahaa intaba.

La soco qayb kale…

Waxaa Diyaariyey: Max’ed Xaaji

Hadalsame Media