Dal ka mid ah kuwa ugu waawayn Galbeedka oo kashifay talo uu ka diidey MW Ukraine maalmo uun….

0

(Hadalsame) 04 Abriil 2022 – Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz ayaa Volodymyr Zelensky u soo bandhigay fursad nabadeed maalmo uun kahor inta uusan bilaaban weerarka Ciidamada Ruushka, laakiin madaxweynaha Ukraine wuu diiday, sida uu hadda daabacay wargayska Wall Street Journal (WSJ).

Scholz waxa uu sameeyay wax uu warqaadkan Maraykanka ihi ku tilmaamay “dedaalkii ugu dambeeyay ee dejinta xiisadda Moscow iyo Kiev” wax ka yar todobaad kahor inta aan ciidamada Ruushka loo dirin Ukraine 24-kii Febraayo.

Chancellor-ka Jarmanka ayaa u sheegay Zelensky oo tegey magaalada Munich bishii Febraayo 19 “in Ukraine ay ka tanaasusho rabitaankeeda ku biiritaanka NATO oo ay ku dhawaaqdo dhexdhexaadnimo taas oo qayb ka noqon lahayd heshiis ballaaran oo amniga Yurub ah oo dhexmara Galbeedka iyo Ruushka,” ayuu qoray wargeysku.

Wargeyska maalinlaha ah ayaa sidoo kale sheegaya in “heshiiska ay saxiixi lahaayeen Mr. Putin iyo Mr. Biden, kuwaas oo si wadajir ah u dammaanad qaadi lahaa ammaanka Ukraine.”

Si kastaba ha ahaatee, Zelensky ayaa diidey dalabkaaasi ah in la sameeyo tanaasulaad oo laga fogaado iska hor imaad, isagoo sheegay in “[Madaxweynaha Ruushka Vladimir] Putin aan lagu aamini karin inuu ilaalinayo heshiiska iyo in inta badan reer Ukraine ay rabaan inay ku biiraan NATO,” ayuu yiri WSJ, iyada oo aan la shaacin ilaha xogta.

“Jawaabtiisu waxay xilligaa saraakiisha Jarmalka gelisey walaac ah in fursadaha nabaddu ay sii yaraanayaan,” ayay warbixintu tilmaantay.

Scholz iyo Zelensky waxay ku kulmeen maalintaas shir-doceed ka ag dhacay shirkii amniga Munich, kaas oo mid walba uu khudbad ka jeediyey.

Zelensky ayay dadka qaarkood marka laga soo tago inuu geesinnimo muujiyey inta uu soconayey dagaalka Ukraine, waxay misna ku dhaliilaan nin aan waaqici ahayn oo ay iskaga khaldan tahay jilliinkii iyo maaddii uu ku jirey siyaasadda kahor iyo nolosha dhabta ah.

Hadalsame Media