”Waxaan diraynaa farriin!” – Dal Ruushka xad la leh oo dalbaday in hubka nukliyeerka loo keeno

0

(Hadalsame) 04 Abriil 2022 – Jaroslaw Kaczynski, Ra’iisul Wasaare Xigeenka Poland, ayaa soo jeediyey in hubka Nukliyeerka ee Maraykanka la keeno bariga Yurub, isaga oo tixraacaya duullaanka millteri ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine.

Waraysi uu siiyay wargeyska Die Welt ee Jarmalka oo la daabacay Axaddii, Kaczynski wuxuu yiri “asal ahaan, macno ayay samaynaysaa in la ballaariyo wadaagga nukliyeerka ee dhinaca bari,” isagoo sida muuqata ula jeeda fikradda NATO ee ah in “faa’iidooyinka, mas’uuliyadda iyo khatarta kahortagga nukliyeerka uu wadaago Isbahaysigu.”

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu madaxan Polish-ka ihi xusay, in hindisaha noocan oo kale ah uu ku habboon yahay inuu ka yimaado Maraykanka.

Intaa waxaa dheer, Kaczynski wuxuu ugu baaqay gaashaanbuurta inay sameeyaan talis cusub oo laga yagleelo Poland, kaasoo la mid ah midka ku yaal magaalada Brunssum ee Holland, “halkaas oo laga qorsheynayo lagana fulin doono hawlgelinta wadajirka ah ee NATO.”

Sida laga soo xigtey RW Xigeenka, taasi waxay ishaaro cad u diri doontaa Ruushka in isbahaysiga NATO uu hadda sidoo kale ku sugan yahay Bariga Yurub si heerka talis ah.

Poland ayaan xad la lahayn dhul-waynaha Ruushka, balse waxaa ku dheggan Gobolka Kiliningrad oo ah goosin dhuleed ka tirsan Ruushka, taasoo ka dhigan in farsamo ahaan ay Ruushka xad si ula leeyihiin.

Hadalsame Media