Somalia dalkee u muhiimsan Ruushka & Ukraine?! (Arag jaantuskan yaabka leh)

0

(Hadalsame) 21 Maarso 2022 – Waxaa weli soconaya dagaalka ka socda Ukraine oo uu 24-kii Febraayo ku duuley dalka Ruushku kaasoo saamayn xun ku yeeshay dunida maadaama ay dalalkani soo saaraan waxyaabo ay dunida ku intifaacdo sida saliid, gaas, qamadi iyo waxyaabo kale.

Haddaba, waxaa lasoo saaray qiimayn ay samaysay Hay’adda QM ugu qaybsan Horumarka & Ganacsiga ee UNCTAD kaasoo ku saabsan sida ay dalalka Afrika ugu kala tiirsan yihiin qamadiga Ruushka & Ukraine.

Waloow aysan jaantuska ku caddayn qaabka tiirsanaanta, misna dabcan qiimayntan oo uu ku jiro qamadiga kaalmada loo siiyo dalal badan oo faqri ah oo Afrika ah ayaa waxaa cajiib ah in Somalia loo muujiyey inay tahay dalka ugu daran ee ku tiirsan dalalkan, weliba dalka Ukraine ayay aad ugu sii tiirsan tahay Somalia, waa haddii ay qiimayntani micne samaynaysee.

Somalia ayaa qiyaastii 70% ku tiirsan qamadiga Ukraine, halka 30% ay ku tiirsan tahay midka Ruushanka ay kasoo degsato.

Hadalsame Media