”Waxaan dhignay rikoodh!” – Dal ay reer Galbeedku cunaqabatayn saareen oo noqon raba SELLEDDII CUNTADA adduunka + Sawirro

0

(Hadalsame) 19 Dis 2021 – Wasaaradda Beeraha Ruushanka ayaa sheegtay in ay ku socoto jidkii ay ku hoggaamin lahayn suuqa cuntada wixii loo gaaro 2025-ka, taasoo muujinaysa kobac aan caadi ahayn xilli ay dunidu kasoo kabanayso cudurka Covid-19.

Fanalqeeyaha umuuraha tacabka, Alexei Martynov, ayaa sheegay in beeralayda Ruushku ay muujinayaan koritaan xad dhaaf ah oo ay figta sare uga istaagi karaan suuqa cuntada adduunka.

Martynov, ayaa intaa raaciyey in cunaqabatayn ay EU kusoo rogtey sanadihii ugu dambeeyey ay ”khayrkii madoobaa” u noqdeen Ruushka oo hirgeliyey siyaasad isku fillaasho ah isla markaana ay dowladdu balaayiin ku bixisay kabka beeraha, iyadoo dhintay raashinkii ay dibedda kasoo degsan jireen.

Wuxuu sheegay in taasi ay keentay in beeruhu ay ka mid ah noqdaan meelaha ugu badan ee uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha Ruushku.

Ruushka ayaa sanadkii 3-aad oo xiriir ah soo saaray in ka badan 120 milyan oo tan oo xabuub ah, isagoo rikoodh ka dhigay dhanka saliidda, khudaarta, khasabka, qamadiga iyo walxaha kale.

Wax soo saarka hilibka gaar ahaan digaagga iyo doofaarka ayaa aad u kordhay kaddib markii uu hargabka shimbiruhu ka dillaacay Afrika iyo Aasiya, halka caanuhu ay rikoodh jebiyeen sanadkii 11-aad oo xiriir ah.

Hadalsame Media