Reer Galbeedka oo isku soofaynaya Ruushka & Turkiga (3 isku day oo ay ilaa hadda sameeyeen)

0

(Hadalsame) 21 Maarso 2022 – Reer Galbeedka ayaa geed kasta u fuulaya sidii ay meel xanuunaysa u damqin lahaayeen Ruushanka oo ay ciidan ahaan waxba ka qaban la’yihiin duullaanka uu ku qaaday Ukraine.

Waxyaabaha ay isku deyayaan waxaa ka mid ah inay dunida oo idil ka dhigaan mid lid Ruush ah iyagoo toos ula hadlay dalal Ruushka xiriir wanaagsan la leh min Hindiya, Turkiga, Brazil, Pakistan ilaa Venezuela.

Dalka Turkiga oo NATO ka tirsan balse sidoo kale xiriir wanaagsan la leh Moscow ayaa ka mid ah dalalka ay diiradda saarayaan inay Ruushka ka hor keenaan, iyagoo ilaa haatan dhowr tillaabo qaaday.

Reer Galbeedka ayaa Turkiga si dadban ugu qalqaaliyey inay Ruushka ka xiraan marin muhim ah. Danjiraha Ukraine u fadhiya Ankara ayaa isla maalintii dalkiisa lagu duuley Turkiga ka codsaday inay maraakiibta dagaalka gaar ahaan Raxanta Badda Madow ay ka xiraan inay u kala gudbaan Black Sea iyo Badda Dhexe ee Mediterranean Sea maadaama ay ku khasban yihiin inay Turkiga dhex maraan, gaar ahaan marinnada Bosphorus iyo Dardanelles.

Markii uu Turkiga oo ay sidoo kale weli u furan yihiin duullimaadyada iyo ganacsiga Ruushku uu xiri waayey marinkaa muhimka ah waxaa sidoo kale laga wareegey dhanka dacaayad ku saabsan in daroonnada Turki-sameega ah ee Bayraktar TB2 ay burburiyeen hannaanada daafaca Ruushka iyo agab ciidan oo uu leeyahay.

Waxaa kuwii ugu dambeeyey ka mid ah muuqaal ay faafisay Wasaaradda Gaashaandhigga Ukraine oo sheegtay inay daroonnada Turkiga ku burburiyeen hannaan danabeedka loo yaqaan EW iyo gantaalaha riddada dhexe ee dhul-ka-cir ee 9K317 Buk-M2 TELAR oo lagu burburiyey meel aan sidaa uga fogayn caasimadda Kyiv. Waxaa sidoo kale arrintan daroonka aad u buunbuunisa saxaafadda Galbeedka oo dhan.

Waxay sidoo kale horay u faafiyeen muuqaallo kale oo muujinaya daroonnada Turkiga oo cardaadiqaha ka dhigaya gaadiid gaashaaman iyo agab kale oo Ruushku watey.

Intaa laguma harine, Maraykanka ayaa toos Turkey u waydiistey in Ankara ay gantaalaha Ruush-sameega ah ee S-400 ee ay dalkaa kasoo iibsatey ay u dirto ciidamada Ukraine, si ay ugu ridaan dayuuradaha Ruushanka, sida uu qorayo Sega.bg.

Yeelkeede, taas ayuu Turkigu ogyahay in haddii uu ku dhaqaaqo ay ka dhigan tahay inuu dagaal u caddaystay Ruushka, balse Turkiga intaa waa ka qoto dheer yahay mana aqbalin soo jeedintan abuu ciyaal-wirifka ah.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media