Daroonnada Turkiga oo laf dhuun gashay ku noqday Ciidanka Ruushka (Daawo)

0

(Kyiv) 28 Feb 2022 – Daroonnada Turkiga ee Bayraktar TB2 ayaa la sheegayaa inay door culus ka ciyaareen daafaca duullaanka Ruushka, sida uu sheegayo Danjiraha Kyiv ee Ankara, Vasyl Bodnar.

Warka Bodnar ayaa yimi mar uu shir jaraa’id kaga hadlayey sida ay Ciidamada Ukraine iska caabbiyeen kuwa Ruushka oo dagaal faraha looga gubtey ku geli la’ caasimadda Ukraine ee Kyiv oo ay rayidku galeen meelaha hoose ee magaalada sida dusmooyinka tareennada.

Daroonnada Turkiga (UAVs) oo horay awooddooda loogu soo carbiyey dagaallada Libya, Syria iyo Nagorno-Karabakh ayaa markale wax u taray Ukraine.

Ciidanka Cirka Ukraine ayaa sheegay inay daroonnada Turkiga oo ay ku tilmaameen “kuwo naf badbaadiyeyaal ah” ku duqeeyeen xarumo ay Ruushku ku sugnaayeen, sida uu sheegay taliyohooda, Lt. Gen. Mykola Oleshchuk, oo muuqaal soo dhigay Facebook.

Turkey ayaa Kyiv ka iibiyey dhowr xirmo oo ah nooca ay samayso Baykar ee Bayraktar TB2, kuwaasoo horay loogu duqeeyey fallaagada gobolka bariga ee Donbas.

Ruushka ayaa xitaa horay sanadkii tegey caro uga muujiyey tillaaba uu Turkigu qaaday, iyadoo ay haatan Ankara iyo Kyiv doonayaan in daroonnada Turkiga lagu sameeyo Ukraine.

 

Hadalsame Media