MUQDISHO: Dabaqyo dhaadheer oo dac ku dhex jira daadna hursan yahay

0

(Hadalsame) 22 Maarso 2022 – DABAQYO DAAD-SUGAYAAL AH: Qaar ka mid ah naqshadaha & dhismayaashooda oo ka soconaya xaafado kala duwan oo Muqdisho ah. Cilladdu waxay tahay inay magaaladu koreeyso iyadoo uusan jirin qorshe magaalo iyo kaabayaal muhim ah sida hannaankii wasakhda ka saari lahaa magaalada.

Tusaale, marka laga yimaado dhowr degmo oo xeebta xiga Muqdisho, oo ay bullaacadoodu badda ku shubto waloow ay dawayn u baahan yihiin biyahaasi, magaaladu ma laha shabakad bullaacadeed (sewage system) isku xiran, iyadoo xaafadaha ka hooseeya dalcadda Dabka ay lahaan jireen biyo-degeenno macmal ah oo ay biyuhu ku ururaan oo qura.

Nasiib xumo, xitaa hannaankii ay biyuhu ku iman jireen biyo-degeennadaas ayaan hadda shaqaynayn waayo waxaa xirmey bullaacadihii laamiyada jidadka hoose ee jiifka ah ee waawayn sida Jidadka 30-ka, Wershadaha iwm iyo kuwa faraha badan ee joogga ah ee gooya.

Nidaamkii ugu waqtiga dheeraa ee dalka xukumayey 70% intii uu dalku lahaa dowlad ka wada talisa, ayaa isna lagu dhaliili karaa sababta uu ugu yaraan magaalada ugu samayn kari waayey shabakad bullaacadeed oo isku xiran gees ilaa ka gees, maadaama uu ugu yaraan awood farsamo iyo mid maamul u lahaa arrintaasi.

Waxaa sidoo kale sixitaan iyo ballaarin u baahan jidadka magaalada oo markii hore lagu sar-gooyey magaalada oo aan sidan u ballaarnayn, balse haatan ballac iyo dhererba u koreeysa.

Marka inta laga helayo nidaaminta iyo dhismaha hannaankaas, (ma aha dib u dhis waa dhismo bilow ah), dabaqyo dhaadheer oo la dhiso oo ay hadhoow biyuhu kusoo noqonayaan micne samayn maayaan inta badan.

W; D: Max’ed Xaaji

Hadalsame Media